Aqalka Sare oo ansixiyey sharci wax badan ka bedeli doona dalacsiinta ciidanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Senatorada golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay magaalada Muqdisho ku yeeshay kulankoodii 31aad ee kalfadhiga 6aad.

Kulankii shalay ee golaha ayaa ee lagu ansixiyey ‘hindise sharciyeedka howlgabnimada, xaqsiinta iyo hibooyinka xubnaha ciidamada qalabka sida’ waxaana soo xaadirtay kulanka 32 senator, kuwaas oo 31 ka mid ah ay ogolaadeen meel marinta sharcigaas, waxaana ka aamusay hal senator.

Qodobo ku jira sharciga la ansixiyey ee howlgabnimada, xaqsiinta iyo hibooyinka xubnaha ciidamada qalabka sida ayaa waxaa ka mid ah:

  • In derajada S/Guud sarkaalkii la siinayo aysan da’diisu ka yaraan 74-sano jir.
  • In derajada S/Gaas sarkaalkii la siinayo aysan da’diisu ka yaraan 70-sano jir.
  • In derajada S/Guuto sarkaalkii la siinayo aysan da’diisu ka yaraan 68-sano jir.
  • In derajada G/Sare sarkaalkii la siinayo aysan da’diisu ka yaraan 64-sano jir.
  • In derajada G/Dhexe sarkaalkii la siinayo aysan da’diisu ka yaraan 62-sano jir.
  • In derajada Gaashaanle sarkaalkii la siinayo aysan da’diisu ka yaraan 60-sano jir.
  • In derajada Dhamme sarkaalkii la siinayo aysan da’diisu ka yaraan 58 sano jir.
  • In derajada L/xidigle sarkaalkii la siinayo aysan da’diisu ka yaraan 58-sano jir.
  • In derajada Xidigle sarkaalkii la siinayo aysan da’diisu ka yaraan 58-sano jir.

Sharcigaan ayaa meesha ka saaraya in loo dalacsiiyo askari aan gaarin da’daas darajooyinka lagu xusay qoraalkan, waxaana ku qancay dhamaan senatoradii soo xaadiray kulanka.

Sidoo kale sharcigan ayaa lagu cadeeyey da’da howlgabnimada sarkaalka, taas oo u dhaxeysa 75-sano jir ilaa 80-sano jir, waxii ka dambeeya markii ruuxu da’daas gaarana waxaa lagu cadeeyey sharcigan in looga faa’iideysa doono oo kaliya khibraddiisa.