Xog: DF Somalia oo wadda qorshe ardayda Puntland lagu keenayo Muqdisho si ay imtixaanka u galaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in wasaaradda waxabasrahada dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa qaar kamid ah waalidiinta Soomaaliyeed ee ku nool Puntland, ay wado dadaal ay Muqdisho ku keeneyso ardayda dugsiyada Sare ee Puntland.

Xog aan helnay ayaa sheegaysa in waalidiinta Soomaaliyeed ee ku nool Puntland ay dowladda Soomaaliya ka dalbatay in ay soo gudbiyaan liiska Ardayda qalin jebineysa sanadkaan, waxaana laga hubin doonaa diiwaanka dalladaha Waxbarashada ee dalka.

Ardaydaan ayaa Muqdisho ku geli doona Imtixaanka, haddii aysan dowladda Soomaaliya iyo Puntland la imaanin xal kale sida ay noo sheegeen masuuliyiin arintaan ku howlan oo ka socda dhanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo uu dhowaan ku qabtay dalka Turkiga, ayaa wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre uu ku sheegay in waxbarashada Puntland “ay fduubteen” dad qaar ah.

Goodax ayaa sheegay in marnaba aysan shahaado siin doonin ardayda Puntland, haddii aysan gelin imtixaanka, wuxuuna sheegay in haddii maamulka Puntland uu ku adkeysto diidmada imtixaanka, ay ka shaqeyn doonaan xal kale.

Xalkaas, ayaa Caasimada Online ogaatay inuu yahay, in maamulka laga tallaabsado oo ardayda Muqdisho ay ku galaan imtixaanka.