Cali Mahdi: Mudulood wax uusan rabin, wallaahi qof Somalia ka sameyn karto inaysan jirin + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Cali Mahdi Maxamed madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey shirweynaha beesha Mudulood maanta uga furmay magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda guud ee Mudulood.

Cali Mahadi ayaa sheegay in Mudulood uusan aheyn Qabiil ee uu yahay qowmiyad weyn, sida uu hadalka u dhigay.

“Mudulood qabiil maahan waa qowmiyad weyn oo ilaahey karaamo siiyay”. ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Mudulood uu yahay garabka midig ee qaranimada Soomaaliya, islamarkaana wax uusan rabin aan laga sameyn karin Soomaaliya.

“Mudulood waa qowmiyada garabka midig ee qaranimada Soomaaliyeed, Wallaahi wax uusan rabin qof Soomaaliya ka sameyn karta aysan jirin”. ayuu markale yiri madaxweynihii hore ee dowladdii ku meel gaarka aheyd ee Soomaaliya.

Mahadi ayaa sidoo kale ka hadlay warar baryahaan dambe soo baxayey oo sheegayey in la baajinayo shirka maanta Mudulood uga furmay gudaha magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay in aysan jirin cid diidi karta inay ka tashadaan aayahooda dambe.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay Mudulood si la mid ah beelaha kale uu xaq u leeyihiin inay ku shiraan sifo sharci ah, kana wada hadlaan xaaladda dalka.

Hoos ka daawo muuqaalka