27.9 C
Mogadishu
Tuesday, February 3, 2026

Rag hubeysan oo toogasho ka geystay BOOSAASO

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya toogasho lagu dhaawacay Nabaddoon Cabdullaahi Cali Sugulle oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Rag ku hubeynaa bistoolado ayaa la sheegay in Nabdoonka ay ku dhaawaceen afafaaka hore hoygiisa oo ku yaalla masjid Faadumo ee magaaladaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Sugulle dhowr xabadood lagu dhuftay, xilli uu ka soo baxay masjid ku yaalla halkaasi.

Kooxda falkaan dhaawaca ah geysatay ayaa goobta isaga baxsatay, waxaana meesha gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howlgallo baaritaano ah sameeyey.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo saraakiisha laamaha amniga Puntland ay ka bixiyeen dhacdadaasi.

Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayey falal liddi ku ah nabad gelyada, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan.

- Advertisement -

Read more

Local News