Sidaan wadda ognahay waxaa sii dhamaanaya Muddo xileedka Dowladda hada jirta, marka aad isku barbar dhigtid waqtiga harsan iyo shaqooyinka la rabay in dowladu horey u qabato waa kala Badan yihiin, hadaba maareynta waqtiga kala guurka ee soo socda wuxuu u baahan yahay tanaasul iyo dulqaad laga rabo dowlada hada jirta iyo arragti qaran oo laga rabo saamileyda siyaasadeed ee dalka.
Maxaa keeni kara in cagta lasaaro waddadii burburka?
- In Dowladdu muddo Kordhin sameysato toos ah intaan la gaarin dhamaadka Muddo Xileedkeeda.
- In Dowladdu waqtiga jiiddo oo ay iska aamusto illaa laga gaarayo dhamaadka muddo xileedkeeda.
- In Dowlladdu maareyn weyso marxaladda kala guurka ah kadibna uu dhaco jahawareer siyaasadeed oo ku dhamaada burbur.
- In Dowladdu qaado tallaabooyin addag oo dhanka amniga ah oo ku wajahan siyaasiyiinta ka aragtida duwan .
- In Dowladda dhexdeed ka bilowdo kala aragti duwnaansho ku aadan hanaanka Loo maareynaayo marxaladda kala guurka ah oo qolo kasta diffaacato wixii u Dan ah.
- In Dowlladu Ilaalin weyso Sarreynta Sharciga iyo Dastuurka Dalka u yaala.
Maxaa keeni kara in cagta lasaaro waddadii dowlad dhiska?
- In Dowladdu Doorashada ku qabato Waqtiga Dastuurka Dalka ku Xusan si hufan.
- In Dowladdu isafgarad kala yeelato Saamilleyda siyaasadeed ee Dalka nuuca Doorashada.
- In Dowladdu aragti fog oo ku dhisan Danaha Dalka iyo Dowladnimada ay ku maareyso marxaladda kala guurka ah.
- In saamileyda Siyaasadda Dalka ay la yimaadaan aragti qaran oo ku aadan maareynta waqtiga kala guurka ah.
- In Labeenta Bulshada ay qaataan kaalin mug leh oo ku aadan maareynta waqtiga kala guurka.
- In beesha caalamka ay qadato kaalin dhexdhexaad ah oo u dan ah Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.– Abdinasir Mohamed Sh. Nuur (Abdinasir Shubka) – Waa xoghayaha maaliyadda Xisbiga Himilo Qaran
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid