26.5 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

WAARE oo amar deg-deg ah siiyey guddoomiyeyaasha Hiiraan iyo SH/ DHEXE

Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa wuxuu kaga hadlay dhibaatooyinkii ka dhashay daadadkii xooganaa ee ku rogmaday magaalada Qardho.

Ugu horreyn Waare ayaa ka tacsiyeeyey dadkii shacabka ahAA ee ay waxyeelada ka soo gaartay daadadkaasi oo ka dhashay roobab mahiigan ah.

Sidoo kale Madaxweynaha maamulka HirShabelle ayaa amray guddoomiyeyaasha gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe inay si deg deg ah ula shaqeeyaan guddiyada gurmadka HirShabelle State ay shacabkeeda ugu talagaleen walaalahood reer Qardho.

“Waxaan aad ula murugoonaynaa walaalaha Qardho saameynta Culus ay ku yeesheen Daadka ka dhashay Roobabka Gu’ga ee dalka ka curtay, gudoomiyeyaasha gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Gudoomiyaha gobalka shabellaha dhexe Axmed Mayre Makaraan waxaan farayaa in si deg deg ah ula shaqeeyaan gudiyada gurmadka Hirshabelle State ay shacabkeeda ugu talagaleen walaalahood reer Qardho arrintaan abaabulkeedana ay horseed u noqdaan ayuu yiri” Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Ugu dambeyn wuxuu ku amaanay madaxda maamulka Puntland sida deg-dega ah ee ay ugu gurmadeen qoysaskii ay saameynta ku yeesheen daadadka, waxaana uu ku micneeyey isku duubnida shacab iyo dowlad in ay horseed u tahay ka gudbitaanka dhibka kasta oo jira, isagoona Madaxweyne Deni kubogaadiyay isku duubnidaas.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan gurmad aan kala go’ laheyn oo ay qeyb ka tahay dowladda federaalka loo fidinayo shacabka magaalada Qardho ee gobolka Karkaar.

- Advertisement -

Read more

Local News