Hadalkii Francisco Madeira ee doodda dhaliyey kuma jirin bayaanka rasmiga ee Amisom – Sidee ku yimid?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hadalladii muranka dhaliyey ee Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa howl-galka Amisom, Francisco Madeira uu kaga hadlay heshiiska dhinacyada Jubaland, markii uu khudbad u jeediyey Golaha Ammaanka, ayaan ku jirin bayaanka rasmiga ah ee Amisom ay shaacisay.

Madeira ayaa dhalleeceyn iyo cambaareyn kala kulmay markii heshiiskii uu Axmed Madoobe la gaaray qaar ka mid ah xubnihii kasoo horjeeday ku qeexay “heshiis hoosaad qabiil.”

“Jublanad, waxaan la soconnaa in isbeddelo ay ka jireen dhowaan, ayada oo hogaamiyaha Jubaland iyo xubnaha mucaaradka beesha Ogaadeen ay gaareen heshiis la isku aqoonsaday waxna lagu wada wadaagay,” ayuu Madeira ku yiri hadal uu ka jeediyey kulankii Golaha Ammaanka ee Arrimaha Soomaaliya.

Si kastaba, sida ay ogaatay Caasimada Online, bayaanka Madeira ee lagu dabaacy website-ka Amisom ayaa waxaa ka maqan hadallada doodda dhaliyey, wuxuuna Jublanad kaga hadlay hal sadar oo kaliya uu ku bogaaday “dib u heshiisiinta”.

Arrintan ayaa dhalisay dhowr su’aal oo Amisom looga baahan yahay inay sharaxaad ka bixiso.

Madeira, ma wuxuu bayaankii uu ka hor aqriyey Golaha Ammaanka gadaal ku daray hadallo ama sadaro aan ka mid ahayn midka uu Midowga Afrika ogaa, mise qeybta uu Jubaland kaga hadlay waxaa bayaanka laga saaray kadib markii doodda  badan ay ka dhalatay?

Madeira ayaa horey loogu eedeeyey inuu faraha la galay siyaasadda arrimaha gudaha Soomaaliya, isaga oo la safan dowladda federaalka, kana soo horjeeda mucaaradka iyo dowlad goboleedyada dalka ee ay is-hayaan.

Axmed Madoobe ayaa 23-kii April waxa uu Nairobi ku heshiiyey Cabdinaasir Seeraar Maax, Cabdirashiid Xidig iyo Daahir Axmed Sheekh oo dhammaantood ay isku beel yihiin, kuwaas oo u aqoonsaday madaxweynaha Jubaland, kana haray sheegashadoodii xilkaas.

Halkan ka aqri bayaanka website-ka Amisom