Xog: Dadkii ay DF sheegatay inay ka keentay Sacuudiga oo ahaa dad lasoo tarxiilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dadkii ka badnaa 100-ka qof ee habeen hore dalka dib loogu soo celiyay ay ahaayeen dad ay soo tarxiishay boqoratooyada Sacuudi Carabiya.

In badan oo kamid ah dadkii la soo celiyay oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in aysan dowladda Somalia ka caawin inay dalka kusoo noqdaan, balse ay ahaayeen tahriibayaal bilo iyo todobaadyo ku xirnaa dalka Sacuudiga.

Dowladda Somalia ayaa sheegtay in dalka ay ku soo celisay in kabadan 100 qof oo ku xayirnaa dalka Sacuudiga kadib markii uu saameen ku yeeshay Covid-19, hase yeeshee waxaa muuqata in warkaas uu ahaa been abuur ay sameysay dowladda Somalia.

Qaar kamid ah shaqaalaha safaaradda Somalia ee magaalada Jeddah ayaa sheegay in aysan wax xog ah ka heynin dadkii la soo celiyay islamarkaana aan lagu soo wargelin ama aan la soo marsiinin nidaam sax ah oo la mid ah sidii looga soo celiyay dadkii ku xayirnaa dalalka Kenya, Turkiga, iyo India oo ay hadda socoto basle ay kawar heleen oo kaliya in dad badan dalkii lagu celiyay.

Dowladda federaalka Somalia ayaa hore sidaan oo kale lagu eedeeyay iney sheegatay howl aysan qaban, waxaana kamid ah gargaarkii Qaramada Midoobay ay geysay Qardho markii ay daadadka ku dhufteen iyo gargaarkii la gaarsiiyay Kismaayo, kuwaas oo ay Maamulada halkaasi ka jira sheegeen iney deeq uga timid Midowga iyo Qaramada Midoobay.