Ilhaan Cumar oo weerar ku qaaday Donald Trump xilli ay ka dareen rabshadaha

Minneapolis (Caasimadda Online) Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka cad ee mareykanka ayaa weerar aan geed loogu soo gamban ku qaaday madaxweynaha Mareykanka Donald Trump xilli magaalada Minneapolis iyo qaar ka mid ah magaalooyinka USA ay kusii fidayaan rabshadaha ka bilowday dilka ninkii madowga ahaa.

Ilhaan Cumar oo si ba’an ula dagaashan Trump ayaa ku tilmaamtay qof aan tiisa qabsan karin, waxeyna hadalkeeda kusoo aadisay xilli uu hadal kulul ku cambaareeyay gudoomiyaha magaalada ay dhibaatada ka bilaabatay ee Minneapolis.

Ilhaan oo ka xun waxa ka socda Minneapolis iyo magaalooyinka kale ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya siisay idaacadda Adduunka la hadasha ee BBC-da, waxeyna aaminsan tahay iney tahay wax aan loo dulqaadan karin iney daawadaan dhibta jirta.

“Waxaan ku dadaaleynaa sidi loo ilaalin lahaa dukaamada iyo goobaha kale ee ganacsiga ee magaalada ka jira, Baarasaabka, Maayarka Minneapolis iyo Maayarka Saint pole waxay aad iyo aad uga shaqeyn hayaan oo ay dadaal ugu jiraan sidi badqabka iyo amniga bulshada ay u adkeyn lahaayeen.”

“Annaga waxaan ku dadaaleynaa sidii aan bulshada ugu sheegi lahayn iney bulshooyinkooda iyagu ilaaliyaan oo ay fiiriyaan dadka iyaga ka baxsan ee bannaanka ka imanaya ee isku dayaya iney dhibaatooyin ay dadka u geystaan” ayey tiri.

Ilhaan waxey sidoo kale BBC-da u sheegtay iney cashar ka baranayaan dhibaatada hadda dhacday iyo dilka ninka madowga ah, waxeyna ogtahay in dhibaatada ay tahay mid soo noq-noqotay.

“Wiil miskiin ah ayaa la dilay oo ay boolisku dileen, waxaan ka shaqeyneynaa iney booliisku mardambe ay helin fursad ay sidaas oo kale qof naftisa ku gooyaan, taasina waxaan ka soo gudbin doonnaa sharciya cusub oo sidii booliska ay magaalooyinkeenna uga dhex shaqeyn lahaayeen iyo iyagu haddi ay dambi galaan sharcigi lagu qaadi lahaa.”

“Qasaaraha ka soo gaaray ganacsigana waxaa ku dadaaleynaa sidi aan bulshooyinka ganacsatada ee ay qasaaraha soo gaareen taakulo ugu keeni laheen, waan ognahay dad badan ganacsigooda iney gubteen oo dhaqaala badan oo ay ka soo shaqeeyeen ay ku baaba’een, taasina waa shaqa annaga oo dhan aan isku xilsaareyno haddii aynu nahay dadka matalo Minneapolis sidi ay degdeg dakaasi ay taakulo ku heli lahaayeen si ay ganacsiyadooda dib ugu furaan”

Ilhaan oo la ogyahay iney garab cadaawad ah u joogto Trump ayaa ku eedeysay eedeynta uu dul dhigay Jacob Frey oo ah duqa magaalada Minneapolis ay tahay wax qalad ah, sidoo kalana waxey sheegtay iney tahay inuu dhibaatadiisa maareeyo.

“Trump uma maleynayo inuu qof dadka far ku fiiqi karo yahay, haddii uu ahaan lahaa madaxweyne fiican 100,000 oo qof Covid-19 uma dhinteen, ma dhici laheen iney 40,000,000 oo qof ay shaqa la’aan noqdaan, ma dhici laheen iney magaalo kasta oo weyn oo ku taalla Mareykanka iney hadda gubato, anigu haddaan ahaan lahaa Maayarka magaalada Minneapolis waxaan dhihi lahaa taada ka hadal intaadan dadka kale tooda soo faragashan.”

Trump wuxuu sheegay in taageerayaashiisa ay jecel yahiin dadka madowga ah, taasi waxaa loo fasirtay nuucyo badan, dadka qaar ayaa aaminsan inuu cod ka doonayo dadka Madow maadaama doorasho ay soo dhawdahay halka Ilhaan ay aaminsan tahay ineysan dadka madowga ah u codeyn doonin.

“Waan ognahay doorashadi la soo dhaafay dadka madow ee Trump u codeeyey iney yihiin 3% oo keli ah, haddana waxaan u maleeynayaa siduu u dhaqmayo iyo shaqada uu hayo iney keeneyso iney dadka madowga oo dhan ay u codeynin”