Madaxda maamullada dalka oo shir u gaara ku yeelanaya magaalada Dhuusamareeb

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib kulan dhanka Internet-ka ah oo ay yeesheen madaxweynayaasha shanta maamul goboleedka ee dalka, sida Galmudug, Puntland, Jubbaland, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa waxa isku raaceen inay kulan wadatashi yeeshaan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Kulankaas ayaa la qorsheeyey inay madaxda maamul goboleeyada isugu yimaadaan 8-bishan, kaas oo ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa marti-geliyey kulankan oo lagu soo aadiyey, kadib markii uu shalay baaqday shirkii uu iclaamiyey madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Wararka ayaa sheegaya in kulankaasi looga hadlayo xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka 2020 illaa 2021, amniga iyo khilaafka dowladda dhexe kala dhexeeyo dowlad goboleedyada qaar, sida Puntland iyo Jubbaland.

Sidoo kale gaba-gabashada shirka ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wada-hadalayaan maamul goboleedyada.

Si kastaba ha’ahaatee arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo uu dalku haatan ku jiro marxalad kala guur ah, islamarkaana aysan weli cadeyn nooca doorasho ee 2020/2021.