Itoobiya oo shaaca ka qaaday khasaarasha ka dhashay rabshadihii dalka ka dhacay

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay khasaaraha ka dhashay rabshadihii xooganaa ee dhowaan ka dhacay dalkaasi, kuwaas oo ka dhashay toogashadii loo geystay Haacaaluu hundeessa oo ahaa fanaan caanka ah wadankaasi.

Taliye ku xigeenka Booliska deegaanka Oromada, Girmaa Galaan ayaa sheegay in rabshadahaas ay ku dhinteen 166 ruux, sidoo kalena ay waxyeelo soo gaaray 167 kale.

Girmaa Galaan ayaa xusay in dadka dhintay ay isugu jiraan 145 qof oo shacab ah iyo 11 askari oo ka mid ahaa ciidamada ammaanka ee dalka Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada Booliska ay xireen intii ay rabshadaha socdeen iyo kadib illaa 1,084 qof, kuwaas oo ay ku jiraan siyaasiyiin caan ah.

Dhimashada ayuu sheegay inay timid, kadib rasaas ay ciidamada ammaanka ku fureen dibad-baxayaasha iyo sidoo kale isku dhac dhex-maray dibad-baxayaasha iyo Booliska.

Xaaladda Itoobiya ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay aheyd mid degan, balse waxaa jidadka Addis Abab ku sugan ciidamo dheeraad ah oo xoojinayo amniga magaaladaasi.