Maxaa ka jira inuu socdo qorshe xukuumad beddel?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlayey xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada ee 2020/21-ka ayaa eedeyn u jeediyey guddoonka Golaha Shacabka, oo uu sheegay inay wadaan qorshe xukuumadda lagu bedelayo.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaciyey in guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku xigeenkiisa koowaad Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ay wadaan muddo kororsi hor leh iyo in xilligan la bedalo xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay in muddada afarta bil ee u hartay inay ka shaqeeyaan sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda ku dhacdaa.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa intaasi ku daray haddii ay ka gaabiyaan dadaalka laga sugayo inay soo bixi doonto cid kale oo buuxisa booskooda, sida uu hadalka u dhigay.

Dhankale wuxuu hoosta ka xariiqay inuu dhiiro-gelin mudan yahay guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo dhankiisa dadaal xoogan wada.

“Mursal iyo Muudeey muddo xiloodkooda 4 bil oo keli ah ayaa ka harsan. Halkii uu waqti kaga lumi lahaa muddo kororsi iyo in xiligan xukuumad la bedelo, waxaa u haboon in ay waqtigooda geliyaan sidii loo qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay oo si nabad ah xiligeeda ku dhacda, Haddii ay kaalintooda gabaan, cid kale ayaa kol aan dheerayn buuxin doonta. Waxaa dhiragelin mudan kaalinta Guddoonka Aqalka Sare.”ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo marar badan si adag uga hadlay xaaladda dalka.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadaa shalay guddoonka Golaha Shacabka uu kulan gaar la yeeshay madaxweynayaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo ka wada arrimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya 2020/21-ka.