Qof loo qabtay dilka gabar yar oo meydkeeda laga helay duleedka Godinlabe

Godinlabe (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo degmada Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in qof loo qabtay dil loo geystay gabar yar oo meydkeeda laga helay duleedka dagmada.

Gabadhaan meydkeeda la helay oo magaceeda lagu sheegay Caaisha Maxamed Shaanley isla markaana 11-jir aheyd ayey Ciidamada Booliska dagmada baaritaan dheer kadib usoo qabtay qof haweeney ah oo la sheegay iney waalid u aheyd gabadha.

Saraakiisha ku hawlan baaritaanka waxey sheegeen in lasoo qabtay qof ay uga shakisan yahiin dilka, taasoo la sheegay iney gabadha u aheyd habaryar, balse ay baaritaan dhab ah ku sameyn doonaan.

Taliye ku-xigeenka Saldhigga Booliska degmada Godinlabe ayaa sheegay iney wali ku hawlan yahiin baaritaanno la xiriira arrinta isla markaana wadatashiyo kadib ay aasi doonaan meydka gabadhaan oo la saaray sida la sheegay geed korkiis.

Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa dalka gaar ahaan gobollada dhexe kusoo badanayay tacaddiyada loo geysto haweenka gaar ahaan kuwa aadka u da’da yar.