R/W Kheyre oo la kulmay Midowga Yurub xilli uu jiro cadaadis la xiriira doorashada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga xilli uu dhawaan kasoo laabtay safar maalmo qaatay uu ku joogay wadanka Qatar.

Shalay ayuu Xasan Cali Kheyre kasoo laabtay Doha iyadoo ay halkaas kusoo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda.

Inkastoo kulanka uu la yeeshay maanta Nicolas Berlanga uusan aheyn mid horay looga warqabay ayaa looga hadlay arrimo badan oo khuseeya Soomaaliya waxaana ugu waaweynaa arrimaha doorashada oo ay dood badani ka taagan tahay.

Caasimadda Online ayaa ogaatay in Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre uu sidoo kale Safiirka Midowga Yurub kala hadlay arrimo kale oo ku saabsan dib u habeynta Amniga iyo dhameystirka hanaanka deyn cafinta oo heerar fiican lasoo gaarsiiyay.

Kulanka labada masuul ayaa kusoo aadaya xilli shalay uu baaqday shirkii dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada Muqdisho uga furmi lahaa, waxaana si cad u diiday ka qeybgalka shirkaas labada maamul ee Puntland iyo Jubbaland oo saluugsan sida ay Baarlamaanka u meel mariyeen matalaadda Gobolka Banaadir.

Beesha caalamka ayaa dowladda ku cadaadineysa inay madax maamul goboleedyada heshiis kala gaaraan arrimaha doorashooyinka, islamarkaana la joojiyo go’aanada ay qaadanayaan xildhibaanada Golaha Shacabka.

QM iyo Midowga Yurub ayaa sidoo kale dhowaan la kulmay guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya ayaga oo ka codsaday in la joojiyo kulamada baarlamanka ee lagu ansixinayo qodobada doorashooyinka illaa xal siyaasadeed ay ka gaaranayaan dowladda iyo maamul goboleedyada.