Madax goboleedyada oo laba qodob kasoo saaray shir ay ku yeeshaan hab online ah

Dhusamareeb (Caasimada Online) – Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa maanta shir ku yeeshay Internet-ka, waxeyna si wadajir ah usoo saareen warmurtiyeed ay isla ogol yahiin.

Shirkaan oo ay kasoo qeybgaleen madaxda shanta maamul goboleed ayey kaga hadleen xaaladda siyaasadda dalka, waxeyna isla garteen laba qodob oo muhiim ah sida ku cad war-murtiyeedka ay soo wada saareen.

Madaxda Maamul Goboleedyada waxey ku baaqeen iney marka hore isugu yimaadaan shir ay uga tashanayaan arrimaha masiiriga ah ee dhanka siyaasadda, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, waxeyna ku ballameen 9-ka bishaan oo Khamiista ku beegan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul goboleedka Galmudug.

Sidoo kale shirka ay yeelan doonaan 9-ka bishaan ayey kaga hadli doonaan sidii loo dar-dar galin lahaa shir deg-deg ah oo ay isugu yimaadaan dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa madaxda maamul goboleedyada ku casuumay shirka amniga qaranka, balse wuu baaqday kadib markii Jubbaland iyo Puntland ay ka biyo diideen qorshaha dowladda ee dhanka doorashada iyo arrimo kale.

HALKAAN KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA