Mareykanka oo soo saaray digniin culus oo ku socota dagaal-ooge Khaliif Xaftar iyo kooxda Wagner Group

Tripoli (Caasimada Online) – Maraykanka ayaa digniin ku siiyay ciidanka Liibiya ee uu hoggaamiyo Jeneraal Khaliifa Xaftar in iskaashiga kala dhexeeya ciidanka sida militariga u tababaran ee Ruushka iyo sii wadista hakinta saliida ay kasoo horjeeda danaha Washington iyo Liibiya.

“Ergayga Maraykanku waxaa uu adkeeyay in iskaashiga ciidanka LNA ee Khaliifa Xaftar kala dhexeeya Kooxda Wagner Group oo ay si qarsoodi ah u hoos taga wasaaradda difaaca Ruushka iyo sii wadista joojinta shidaalka in ay lid ku tahay danaha Washington iyo Liibiya, islamarkaana ay hoos u dhigeyso madax-banaanida Liibiya, ayna kordhineyso khatarta colaadda, taasi oo dhaawac halis u geysan karta kaabeyasha shidaalka,” ayaa lagu yiri war ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Tan iyo bishii Janaayo, ciidanka Jeneraal Khaliifa Xaftar ayaa xiray warshado shidaalka oo saara oo ku yaalla bariga iyo bartamaha Liibiya, si ay caadis dhaqaale u saaraan dowladda ay Qaramada Midoobay aqoonsantahay ee Libya.

Warka Mareykanka ayaa yimid, kadib markii kulan muuqaal ah uu dhex maray saraakiil ka tirsan mamulka Madaxweyne Donald Trump iyo wakiillo ka socday ciidanka Khaliifa Xaftar, kuwaas oo ka wadahadlay la tacaalidda arrimaha maleeshiyaadka ee Liibiya oo dhan.

Ergeyga Mareykanka waxaa uu ku celiyay in ururrada hubeysan ee “isku deyaya in ay burburiyaan hanaanka siyaasadda ama ay xasilooni darro sameeyaan aan loo dulqaadan doonin ayna khatar ugu jiraan cuno-qabateyn caalami ah.”

Tan iyo bishii April ee sanadkii 2019-kii, ciidanka Jeneraal Khaliifa Xaftar waxaa ay weerarro ku wadeen magaaladda caasimadda u ah Liibiya ee Tripoli iyo qaybaha woqooyi galbeed dalka, taasi oo keentay in ay ku dhintaan 1,000 qofood oo ay haween iyo caruur ku jiraan.

Sikastaba, dowladda Liibiya ayaa dhowaan gaartay guulo muhiim ah, iyadoo dib uga riixday ciidanka Jeneraal Hafter caasimadda Tripoli iyo meelo kale oo istiraatiiji ah.

Dowladda cusub ee Liibiya waxaa la aasaasay sanadkii 2015-kii, iyadoo la cuskanayay heshiis ay Qaramada Midoobay hoggaamineysay, laakiin dadaaladaas ayaa guul dareystay, kadib markii uu gulufkiisa hubeysan xoojiyey Jeneraalka mayalka adag ee Khaliifa Hafter.