Maxaadan ogeyn oo ka socda xarunta madaxtooyada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Axmed Jindi oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay guux sii kordhayey maalmahan oo ku saabsan in laga shaqeynayo heshiis muddo kordhin ah oo la siiyo xukuumadda.

Xildhibaan Jindi ayaa sheegay in arrintan ay jirto islamarkaana Gudaha Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia ay ka socdaan ololo lagu raadinayo muddo kororsi, taasi oo xildhibaanadana ay ka warhayaan.

Waxaa uu sheegay in markii la gaaray xilliga kala guurka ee doorashooyinka ee ay ahayd in laga shgaqeeyo qabashadeed la billaabay wax aan sharci ahayn, hase yeeshee Xildhibaannada uu isaga kamid yahay aysan taas aqbali doonin.

“Nacam arrintaas waa jirtaa, laakiin waxaan qabaa in wax aan dastuurka uusan ogoleyn in la sameeyo maaha. Dalkan meel dheer iyo dhibaato badan ayuu ka yimid, in shaki iyo shubho la kala geliyo maaha, mana ahan dadka siyaasiyiinta ee doonayey inay kursigan u tartamaan in la ciilo,” ayuu yiri.

Xildhibaanka oo ka qeyb-galayay barnaamij ka baxa TV-ga Universal ayaa waxaa uu sheegay in madaxda joogto Villa Somalia ay doonayaan inay muddo laba sano ah ku darsadaan, iyaga oo meesha ka saaraya hadalkii Guddoomiyaha madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka ee ahaa inay u baahan yihiin Guddigooda 13 bilood oo ay doorasho ku qabtaan.

“Waxaan la yaabanahay laba sano meesha laga keeni karo, dastuuriyana looma keeni karo, cid soo codsatayna ma jirto, marka ma aqaan hab loo keeni karo,” ayuu yiri.

Hadalka Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Axmed Jindi ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Xubnaha Madasha Xisbiyada Qaran iyo Siyaasiyiinta mucaaradka ay maalmaheen sheegayeen in Madaxtooyada Soomaaliya ay dooneyso muddo kororsi, ayada oo diyaar u ah in ra’iisul wasaare cusub lasoo magacaabo oo ka socda mucaaradka.

Hoos ka dhageyso codka xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Axmed Jindi