Dhallinyaradii soo abaabulay dibad-baxyadii shalay ee Muqdisho oo hadlay + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Bashiir Macalin Cali oo ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay iyagu soo abaabuleen banaanbixii dhicisoobey ee shalay ka dhacay Muqdisho, isaga oo faahfaahin ka bixiyey waxyaabihii ay ku dalbanayeen banaanbaxaas.

Bashiir oo ay dhinacyadiisa taagnaayeen dhalinyaro kale ayaa warbaahinta u sheegay in banaanbixii shalay ay ku dalbanayeen laba arrinmood oo kala ah.

  • In magaalada Muqdisho ay yeelato maamul ay dadkeedu soo doortaan, oo ay ka baxdo maamulladan lasoo magacaabayo.
  • Iyo in Madaxweynaha ay u diraan baaq ah in marnaba aan dib loo dhigi karin doorashada dalka.

“Hadii doorashada dalka dib loo dhigo waxay sababi kartaa burbur, dagaallo sokeeye iyo Soomaaliya oo dib ugu laabata 30-sano kadib meeshii ay ka timid, waxaan ku faani karno waxaa ka jira dimuquraadiyadda curdunka ah, hadana waxaan maqleynaa in mudo kororsi la qorsheynayo, marka anaga waxaan cadeyneynaa in waqti dheeraad ah aanaa aqbali doonin,” ayuu yiri Bashiir.

Sidoo kale Bashiir Macalin ayaa sheegay in hataan ay u muuqaneyso saan-saan dagaal iyo caburin ay dowladdu kula kaceyso warbaahinta, shacabka iyo siyaasiyiinta kale.

Sidoo kale markii ay banaanbaxa dhigayeen waxa uu sheegay in loo adeegsaday awood ciidan, isla markaana uu sigu ka mid ahaa dadkii goobta ka baxsaday, halka la xiray dhalinyaro kale oo la socotay, kuwaas oo uu ka midyahay guddoomiyihii hore ee degmada Cabdicasiis.

Ugu dambeyntii Bashiir ayaa ugu baaqay guud ahaan dadka Soomaaliyeed inay banaanbaxaan, ilaa uu madaxweynuhu ka joojinayo damaciisa, isla markaana uu ku dhaqaaqayo qaban-qaabada doorasho dalka ka dhacda markii uu dhamaado waqtigiisu, isaga oo sheegay inay sii wadi doonaan banaanbaxyada.

Hoos ka Daawo