Muudey oo ku hanjabay inuu qaadayo tallaabo ka dhan ah xildhibaanada qaar

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa si adag uga hadlay kulamada golaha oo mararka qaar u baaqda kooram la’aan marna ku sigta in uu u baaqdo.

Guddoomiye Muudey ayaa xildhibaanada ka hor sheegay inay ceeb ku tahay inay soo xaadiri waayaan kulamada golaha, isla markaana hada kadib arrintaas uu guddoonku u adeegsan doono xeer hoosaadku waxa uu ka qabo.

“Shirkii baarlamaanka ayaa maanta jira, hadana kooram la’aan ayuu u baaqday xildhibaanadiina magaalada ayey joogaan waa arrin ceeb nagu ah, hadhow yaan la is eedin xeer hoosaadka ayaan is ticmaali doonaa” ayuu yiri guddoomiye kuxigeenka 1-aad Cabdiweli Muudey.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray, “10:00am barqanimo ayaa halkaan soo fariisaneynaa hadii aad soo xaadiri weysaan, hal saac ayaan inkugu dareynaa, hadii la idin waayo magacyada ayaan yeerineynaa, hadhow maxaa magaceyga loo yeeriyey yaa nala dhihin, aan is ixtiraamno.”

Hadalka guddoomiye Muudey ayaa ku soo aadaya iyadoo xildhibaanada golaha shacabka aysan badanaa sida sharciga ah u soo booxin kooramka kulamadooda caadiga ah, waxaana xusid mudan in sharciyo badan oo dalka muhiim u ah ay hor yaallaan golaha.

Sidoo kale Caasimada Online ayaa ogaatay in labadii kulan ee u dambeysay golaha shacabka lagu furay tiro ka yar inta sharciga u ah in lagu furo fadhiga golaha, kulamadaas ayaa kala dhacay, Sabtidii lasoo dhaafay ee 4-tii bishan iyo Isniinta maanta.

Sida sharcigu qabo fadhiga golaha waxa uu ku furmi karaa ugu yaraan 139 mudane, balse kulamadii u dambeeyay waxaa caadi noqotay markii uu shir guddoominayo Cabdiweli Muudey in kulanka lagu furo tiro aan buuxin kooramka oo ka yar 139-ka sharciga ah.

Hoos ka Daawo hadalka guddoomiye Muudey