Wasaaradda A/Dibedda Shiinaha oo war cusub kasoo saartay xiriirka Taiwan iyo Somaliland fariinna u dirtay DF

Beijing (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha ayaa sheegtay inay si weyn uga soo horjeeddo xiriirka dibloomaasiyadeed ee ay aas-aasteen maamullada Taiwan iyo Somaliland, oo ka kala tirsan Shiinaha iyo Soomaaliya, balse gooni u goosad ah.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha, Zhao Lijian, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Beijing, ayaa sheegay in Shiinaha ay si xooggan uga soo horjeedaan sameynta hey’ado rasmi ah ama nooc kasta oo is-weydaarsi rasmi ah oo u dhexeeya mas’uuliyiinta Taiwan iyo Somaliland.

Zhao ayaa sidoo kale farriin ammaan ah usoo jeediyey tallaabada ay qaaday dowladda Soomaaliya ee ay ku diiday ficillada Somaliland iyo Taiwan.

“Waxaan ogaanay oo aan ku qanacsanahay in dowladda Soomaaliya ay dib u xaqiijisay u hoggaansamida mabda’ Midnimada Shiinaha ayna ku dhalleeceysay Taiwan inay carqaladeyneyso madax-bannaanida, sharafta, iyo qaranimada Soomaaliya. Adduunka waxaa jira hal China, Taiwan-na waa qeyb aan laga doodi karin oo ka mid ah Shiinaha. Mabda’ hal China waa mid si caalami ay aqooonsan yihiin xiriirada iyo is afgarashada caalamiga ah,” ayuu yiri Zhao Lijian.

“Shiinuhu wuxuu si adag uga soo horjeedaa samaynta hay’ado rasmi ah ama nooc kasta oo is-weydaarsi rasmi ah oo u dhexeeya mas’uuliyiinta Taiwan iyo Somaliland. Xisbiga Dimuqraadiga wuxuu si xamaasad leh u raadinayay taageero kasta oo uu heli karo, laakiin waligiis kuma guuleysan doono isku dayga in howlaha gooni-goosadka ah lagu soo bandhigo masraxa caalamiga ah ” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Somaliland iyo Taiwan ayaa 1-dii bishan July isku raacay inay is-dhaafsadaan wakiillo, waxayna kadib magacaabeen wax ay ugu yeereen safiirro.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inay aqoonsan tahay isla markaana qadarineyso madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee Shiinaha, ayada oo Taiwan ay tahay qeyb ka mid ah Shiinaha.