Amaanka Dhuusamareeb oo si weyn loo adkeeyey + Sababta

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa lagu soo warramayaa inay saaka si weyn u adkeeyeen ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegaya in saaka ciidamo dheeraad ah la soo dhoobay waddooyinka magaaladaasi, kuwaas oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay magaaladaasi.

Sidoo kale ciidamada ayaa baaraya gaadiidka kala duwan ee isaga kala gooshaya halkaasi, si loo hubiyo amniga iyo deganaashaha.

Ujeedka ayaa ah sidii loo adkeyn lahaa amniga Dhuusamareen oo 9-ka bishaan ay shir gaar ah ku yeelan doonaan madaxda dowlad goboleedyada oo ka arrinsadn doono xaaladda dalka.

Madaxweynaha Galmudug oo shirkaasi martigeliyey ayaa sidoo kale dib ugu laabtay caasimadda mamaulkaasi, wuxuuna la kulmay saraakiisha ammaanka oo uu kala hadlay, sidii loo xoojin lahaa nabad-gelyada, looguna diyaar garoobi lahaa shirkaasi.

Waxaa sidoo kale la filayaa in wafuud kala duwan ay saacadaha soo socda gaaraan Dhuusamareeb, si ay qeyb uga noqdaay dadaalada socda diyaar garowga intaba.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya shanta madaxweyne maamul goboleed ee dalka, iyaga oo ka wada hadlaya amniga, doorashada iyo xaaladda dalka.