Human Rights watch oo eedeyntii ugu cusleyd u jeedisay DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin ka soo baxday hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa waxaa looga hadlay xoriyadda saxaafadda Somalia, gaar ahaan marxaladda ay xiligan ku shaqeeyaan suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Human Rights Watch ayaa ku eedeysay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay wali ay sii wado caburinta ay ku heyso warbaahinta madaxa banaan.

Warbixinta oo ka soo baxday guddiga hay’adda u qaabilsan arrimaha afrika ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in tallaabooyinka ugu dambeeyey ee ay qaaday dowladda federaalka Somalia ay muujinayaan inay ka soo horjeedaan saxaafadda madaxa banaan.

“Eedeyntu waxay xadgudub ku tahay waajibaadka Soomaaliya ee ku xusan heshiisyada xuquuqda aadanaha ee gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee ilaaliya xuquuqda dadku ay ku dhaleeceeyaan masuuliyiinta dowladda iyo hay’adaha dowladda. Sida guddiga Afrika ee Xuquuqda Aadanaha iyo Xuquuqda Dadka uu caddeeyay, kuwa “u qaata doorka shacabka aad loo arki karo waa inay la kulmaan heer naqdin ka badan kan muwaadiniinta gaarka loo leeyahay; haddii kale doodda guud waa la baabi’in karaa gebi ahaanba. ” ayaa lagu yiri warbixinta kasoo baxday Hay’adda Human Rights watch.

Sidoo kale waxaa warbixinta lagu soo qaaday kiiska wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo maanta la horgeynayo maxkamadda gobolka Banaadir, si loo guda galo dacwaddii ay 14-kii bishii April ee sanadkan 2020-ka ku soo oogtay Villa Soomaaliya.

Qoraalka hay’adda ayaa waxaa lagu yiri  “Maamulka waa inay si dhakhso leh u tuuraan dacwadaha loo haysto Cabdicasiis ayna cadeeyaan in faallooyinka xasaasiga ah ay tahay soo dhaweynta bulshada dimoqraadiga ah. Iyada oo Soomaaliya ay isu diyaarineyso geeddi-socodka doorashada, dowladdu waa in ay muujisaa in saxaafadda madax-bannaan ay ka muhiimsan tahay sidii hore.”

Si kastaba ha’ahaatee warbixinta ayaa ku soo aadaya, iyadoo madaxwaynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo bishii May maalinta xoriyadda saxaafadda uu sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay sidii uga hortagi lahaa dambiyada laga galo wariyeyaasha.