Sababta Imaaraadka Carabta ugu sii dhowaanayo IRAN ugana fogaanayo Sacuudi

Tehran (Caasimada Online) – Khubaradda dalka Iran ayaa rumeysan in Imaaraadka Carabtu uu ka shaqeynayo in uu xoojiyo xiriirka uu la leeyahay xukuumadda Tehran, si lamid ah kan Isra’iil.

Kadib markii safaaraddii Sacuudigu ku lahaa Tehran iyo qunsuliyadii guud ee magaaladda Mashhad dab la qabadsiiyay horraantii sanadkii 2016-kii, Riyadh waxay go’aansatay in ay xiriirka u jarto Tehran, taasi oo keentay in Iran ay hoos u dhigto matalaadeedii diblomasiyadeed ee Jamhuuriyadda islaamiga ah, iyadoo gaarsiisay heer safiir ku xigeen.

Si kastaba, muran dhowaan dhex maray Abu Dhabi iyo Riyadh ayaa keenay in uu horumar sameeyo xiriirka u dhexeeya Iran iyo Imaaraadka, kadib sababo badan oo kasii daraya, oo ay ugu badantahay dagaalka Yemen, Jasiiradda lagu muransanyahay ee Gacanka Persia iyo maalgelinta argagixisadda.

Markii uu dilaacay cudurka Coronavirus, Imaaraadku afar diyaaradood oo sida shixnado daawo ah ayey ka dejiyeen caasimadda Iran ee Tehran. Mudadaas wasiirka arrimaha dibadda Iran Mohammad Javad Zarif ayaa tilifoon kula hadlay dhiggiisa Imaaraadka Abdullah Bin Zayed.

Bishii July ee sanadkii 2019-kii, dowladda Iran waxaa ay marti gelisay kulan u dhaxeeyay ilaaladda xeebaha Iran iyo Imaaraadka markii u horreeysay muddo lix sano ah.

Xilligaas labadda dhinac waxay ka wadahadleen iskaashi wadajir ah oo ay ka sameeyaan xuduudaha, qul-qulka muwaadiniinta labada wadan iyo kordhinta isdhaafsiga akhbarta sirdoonka.

Maxamuud Vaezi oo ah agaaimaha madaxtooyadda Iran ayaa dhowaan sheegay in Imaaraadku uu bilaabay in meelaha uu ka heysto Yemen uu isbedel ku sameeyo,

isagoo la hadlayay wakaaladda Wararka ee Anadolu, Xasan Hani Zadex oo ah khabiir arrimaha Bariga Dhexe waxaa uu sharaxay in Afartii sano ee go’doonka lagu soo rogay Qatar iyo siyaasadihii uu Imaaraadku ka qatay arrimaha dalalka Liibiya, Siiriya, Ciraaq iyo Lubnaan ay keeneen in Imaaraadku uu gooni noqdo.

Waxaa uu intaas ku daray in siyaasadda arrimaha dibadda ee Imaaraadka ay xiriir la leedahay Sacuudiga, kala duwanaan-shahooduna uu kasoo ifbaxay Yemen, waxayna markii u horreeysay isu bedeshay siyaasad arrimo dibadeed.

Khabiirkan oo u dhashay dalka Iran waxaa uu muujiyay in ay jireen kala duwanaansho dhowr ah oo u dhexeeyay dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan iyo dhiggiisa Imaaraadka Maxamed Bin Zayed, isagoo soo xiganayay xaaladda dalka Yemen.

Waxaa uu intaa ku daray in is-aamini waaga u dhexeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka uu xukuumadda Abu Dhabi siiyay fursad ah in ay horumariso xiriirka kala dhexeeya Iran. “Siyaasadaha Maxamed bin Salmaan waxay sababayaan in Imaaraadku uu keli noqdo siyaasad ahaan iyo in uu dhaawac soo gaaro dhaqaalihiisa” ayuu yiri Xasan Hani Zadex oo ah khabiir ka faalooda arrimaha Bariga Dhexe.

Siyaasadda Abu Dhabi waxay ku adkeysaneysaa inay talaabo u qaado dhanka Iran, iyo in ay talaabo kale u qaado dhanka Israa’iil.

Khabiirkan waxa uu carabka ku adkeyay in Abu Dhabi ay u baahantahay in ay qaadato siyaasado madax-banaan iyo in ay xoojiso xiriirka ay leedahay wadamadda Muslimka ah, waxaana uu tilmaamay in booqashadii masuuliyiin Imaaraadka u dhashay ay Israa’iil ku tageen ay kasoo horjeedo yoolka iyo hadafka dal Muslim ah.

Xasan Hani Zadex waxaa uu sidoo kale cambaareeyay meesha uu Imaaraadku ka taaganyahay Turkiga, isagoo caddeeyay in kala duwanaansho dhexmara Turkiga iyo Imaaradka uu dhaawac ku yahay qaran muslim ah, “waa muhiim in Abu Dhabi ay raadiso xalinta muranka kala dhexeeya Ankara.”ayuu yiri.

Axmed Destmaljian, oo ah safiirkii hore ee Iran joogay Beirut ayaa tilmaamay in Imaaraadku uu daneynayo in uu hagaajiyo xiriirka kala dhexeeya Tehran, isagoo xiganaya kaalmo daawo oo Abu Dhabi ay u dirtay Tehran iyo ergadii Imaraadka ee tagay Iran.

Danjire Axmed waxa uu carabka ku adkeeyay in muranka hadda u dhexeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka ee ku saabsan dalka Yemen uu fursad siinayo isbedello cusub, isagoo yiri “Abu Dhabi waa in ay saxdaa siyaasadeheeda ku aadan arrrimo badan, si ay iskaashi adag ula gaarto Iran.”