24.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 28, 2026

Xiriirka Taiwan Ictiraaf ma u horseedi karaa Somaliland?

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxa maalmihii u dambeeyay aad loo hadal hayey xiriirka iyo heshiiska cusub ee ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Taiwan oo iyagu ah maamulo aan si rasmi ah u helin madax-banaani caalami ah.

Heshiiskaasi ayaa dhigaya in labada dhinac ay iska kaashan doonaan dhinacyada caafimaadka bulshada, tamarta, macdanta, waxbarashada iyo beeraha iyadoo la adeegsanayo habka Taiwan, taas oo kor u qaadaysa horumarinta iskaashiga labada dhinacba.

Somaliland ayaa iyadu u aragata guul diblumaasiyadeed oo aqoonsi u horseedi karta xiriirka cusub ee Taiwan, wallow ay sidaasi tahay, haddana ma gaarsiisna arrintu heerka loo maleeyo.

Taiwan ayaa ah Jaziirad ka tirsan Shiinaha oo sheegta inuu yahay dal madax-banaan, maadama la rumeysan yahay inuu yahay gobol isku filnaansho dhaqaale gaadhay, inkasta oo midaasi u horseedin aqoonsi caalami ah.Haddaba, xiriirka Somaliland ee Taiwan ayaa u muuqda mid aan xiligan horseedi karin ictiraaf caalami ah oo ay hesho Somaliland, maadama ay Taiwan laftigeedu ay halgan ugu jirto sidii ay u kasban laheyd madax-banaani buuxda.

Somaliland ayaa ictiraaf ku heli karta haddii dowladda federaalku ay siiso ogolaanshiyo ay kaga go’ayso, midaasi oo u muuqata mid aan xiligan iyo muddo dhow laftigeedu aysan dhaceyn, isla markaana caqabad ku ah rabitaanka iyo sheegashada Somaliland.

Heshiiska Taiwan iyo Somaliland ay dhawaan kala saxiixdeen ayaa la rumeysan-yahay in Somaliland ay guul kaga gaari karto dhanka horumarka arrimaha bulshada, maadama ay Taiwan dhaqaalo ahaan ladan tahay.

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60