Somaliland oo war kasoo saartay safarka danjiraha Shiinuhu ku tagayo Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa maanta ka hadashay safar la filayo inuu Danjiraha dalka Shiinaha ee Soomaaliya, Amb. Qin Jian uu ku tago caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Safarka danjiraha ee Somaliland ayaa daba socda xiriirka iyo heshiiska cusub ee kala saxiixdeen Somaliland iyo Taiwan, kaasi oo dowladda Shiinuhu ay si weyn uga carootay.

Shiinaha ayaa si adag uga hor-yimid xiriirka labadaasi dhinac, isagoona ku tilmaamay wax aan la aqbali kareyn, isla markaana xad-gudub ku ah Jamhuuriyada dadka ee Shiinaha.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Faratoon oo arrinkaasi ka hadlayey ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan safarkaasi, isagoona xusay in wax saameyn ah uusan ku yeelan doonin xiriirka cusub ee Taiwan.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in markii u horeysay aysan aheyn ee Qin Jian uu safar ku tago Hargeysa, balse uu marar hore booqasho ku tagay.

Faratoon ayaa ka dhawaajiyey in danjiruhu uusan ilaa hadda la soo sameyn xiriir toos ah oo ku aadan safarkiisa, sida uu markii hore safaradiisa ula soo socodsiin jiray, midaasi oo la filayo inay ka dhalatay xiisada uu utagayo Hargeysa.

Amb. Qin Jian ayaa kulamo la yeelan doona madaxda ugu sareysa Somaliland, gaar ahaan madaxweyne Muuse Biixi, oo uu kala hadli doono mowqifkooda ku aadan xiriirka Taiwan, sida ay hore u baahisay Caasimada Online.

Xiriirka iyo heshiiska cusub ee Somaliland iyo Taiwan ayaa waxa si weyn uga horyimid Soomaaliya iyo Shiinaha oo u arka xad-gudub ka dhan ah, maadama ay labada maamul haysan aqoonsi buuxa oo caalami ah.