Muxuu Axmed Madoobe ku sheegay khudbadiisa shirka maamul goboleedyada?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka istaagay shirka wadatashiga madaxda maamullada xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

Axmed Madoobe wuxuu ku khudbeeyay iney ka go’an badbaadinta dadka, loona qaban lahaa doorasho ku dhacda wakhtigii loogu talagalay.

Madaxweynaha wuxuu siyaasiyiinta Soomaaliyeed ugu baaqay iney noqdaan kuwa xal doon ah, wuxuuna tilmaamay in maamullada isku yimid aysan wax walba awood u laheyn balse ay ka qaban doonaan howsha dhanka ay kaga aadan tahay.

“Dowlad Goboleedyada waa qaab dhismeed ka tirsan nidaamka Federaalka, xaqna u leh inay tashadaan, dowladda federaalka mas’uuliyiintoodana talada ayaa ka dhaxeysa oo u baahan qaraarada siyaasiga ee la gaarayo mid laga wada tasho oo la isu yimaado oo la isla qaato meesha la is leeyahay wey gaari kartaa” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Hogaamiyaha Jubbaland sidoo kale wuxuu ka hadlay arrimaha doorashooyinka iyo hadii ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo.

“Shirkaan muhiimadiisa waxaa rasmi ah oo doorashooyinka iyo siyaasadda waxa dowlad goboleedyada ka dhaxeeya intaba saameyn ku leh, malaha dowlad goboleedyada go’aan ka gaarista arrimo badan, laakiin tashi ayay ku leeyihiin mana doonayaan shaqo aysan iyaga laheyn inay qabtaan, inta ay xaqa u leeyihiin inay ku darsadaan taladooda waaye”