SACIID DENI oo shaaca ka qaaday nooca doorasho ee dalka ka dhici karto xilligan

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa noqday madaxweynahii labaad ee khudbad ka jeediya shirka wadatashiga dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

Madaxweynayaasha shanta maamul goboleed iyo xubno ka tirsan maamuladooda ayaa isugu tagay Dhuusamareeb halkaas oo la filayo in lagu go’aamiyo jihada ay Soomaaliya u socdaali doonto.

Madaxweyne Saciid Deni oo ka mid ah shaqsiyaadka miisaanka leh ee la sugayay hadal jeedintooda ayaa ka hadlay arrimo badan oo khuseeya nuuca doorasho oo dalka uu gali karo iyo nidaamka federaalka.

“Nidaamka federaalka waa maxlaxo guud, waa sababta aan halkaan u fadhino maanta, nidaamku maahan wax kala geynaya umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Deni.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay arrimaha doorashooyinka iyo nuuca doorasho ee dalka uu gali karo wakhtigaan.

“Shirkaan aan u fadhino waa shaqo ay u qabaneyno madaxda dowladda federaalka, waa dowladahii aad madaxda u aheydeen, waxeyna ka hadlayaan waxyaabo ay rabaan iney idiin fududeeyaan, waxaan ku rajo weynahay doorasho wakhtigeeda ku dhacda, kuna dhacda si nabad ah, natiijo lagu qanacsan yahayna ay kasoo baxdo, dalkana ka gudbo marxaladaan labaad,” ayuu yiri Deni.

“Doorashada qof iyo cod waa mid qurux badan waana gaari doonaa, aan sameyno wixii aan ka badin weyno kana tashano, waxa aad heysato waa la iimaansadaa hadba wixii aan awoodno.”

Deni ayaa hoosta ka xariiqay in xiligan loo baahan yahay isku tashi horseedi kara in horumar la sameeyo, xili uu taagan yahay jahwareer Siyaasadeed, sida uu sheegay.

Madaxweynaha Puntland oo hore looga bartay inuu si weyn ugu dheeraado eedeynta iyo dhaliilaha dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ku fogaan, midaasi oo qeyb ka ah ifafaalada uu sheegay inay soo af-meerayso khilaafkooda.

Waxa kale oo uu Deni u soo jeediyay madaxda dowladda federaalka, gaar ahaan Farmaajo inuusan u arkin shirka Dhuusamareeb mid wax duminaya, balse ay gudanayaan shaqo u taalay maamulada dalka.