Qoor Qoor oo khudbadiisa furitaanka shirka ku sheegay mowqifkiisa doorashada

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –  Shirka ay yeelanayaan madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ee xubnaka ah dowladda Federaalka ayaa maanta ka furmay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Khudbadii ugu horreysay shirka waxaa qaatay madaxweynaha martida loo yahay ee Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor kaas oo si guud u dulmaray ujeedkooyinka shirka uu leeyahay.

Qoor-Qoor wuxuu khudbadiisa ku sheegay iney la isugu yimid sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah oo wakhtigeeda ku imaata.

Madaxweynaha wuxuu adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta dhaqanka siyaasadeed ee dalka kaas oo sanadahii ugu dambeeyay afar sano walba ay ka dhaceysay doorasho, sidoo kalana gogosha ay dhigeen Dhuusamareeb ay tahay mid xambaarsan Mustaqbalka Siyaasadeed ee dalka.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye waxaa khdubadiisa ka mid aheyd iney Galmudug diyaar u tahay sidii ay umadda Soomaaliyeed isugu keeni lahyeyd.