Xog: Cumar Filish oo laba jeer xanuun uga baaqday safarka Dhuusamareeb

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish, ayaa laba jeer uu xanuun uga baaqday safar uu ku tegi lahaa magaalada Dhuusomareeb.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay duqa Muqdisho uu shalay iyo maantaba ka baaqday safar uu ku aadi lahaa Dhuusamareeb, sababo la xiriira xanuunkan.

Sidoo kale xogta aan ku helnay xanuunka guddoomiye Cumar Filish ma ahan mid darran, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan, ayada oo qaarkood ay sheegayaan inuu gaas ku kacay, halka qaar kalena ay sheegayaan inuu isku arkay qandho.

“Waa xanuunsan yahay balse ma ahan mid darran, shalay iyo maantaba waan ka baaqanay safarka sabab arrintaan la xariirta,” ayuu yiri qof ka tirsan xafiiska guddoomiyaha gobalka Banaadir, oo codsaday inaan la magacaabin.

Waxyaabaha adkeeyay in la helo warbixin dhameystiran oo xaaladda guddoomiyaha ah ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah in Guddoomiyaha uu waayahaanba ku shaqeynayay gurigiisa maadaama uu dhismo ku socdo xarunta gobalka.

Si kastaba, Cumar Filish ayaa la filayaa inuu berri u safro magaalada Dhuusamareeb kana qeyb-galo shirka madaxda dowladda federaalka ah iyo madaxda maamul goboleedyada.