Is-rasaaseyn dhimasho leh oo ka dhacday MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir waxay sheegayaan in goor dhaw ciidamo ka kala tirsan booliska iyo militeriga Soomaaliya ay isku rasaaseeyeen, waxaana is-rasaaseyntaas ka dhalatay dhimasho iyo dhaawac.

Sarkaal ka tirsanaa militeriga Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Cusmaan Xasan (Cusmaan Injeneer) ayaa la sheegay in lagu dilay is-rasaseyntaas oo socotay mudo kooban.

Sarkaalka la dilay waxaa la sheegay in uu watay ciidamo kale, isla markaana ay isku dayeen inay xoog ku dhaafaan Bar Control oo ay ku sugnaayeen ciidamada booliska degmada Yaaqshiid, sidaasna ay ku bilaabatay is-rasaaseyntu, waxaana la sheegay inay jiran dhaawacyo kale oo soo kala gaaray askarta labada dhinacba.

Wararku waxay intaas ku darayaan in sarkaalka ku dhintay is-rasaaseyntaas iyo ciidamadiisa ay maalmihii dambe si dhuumaaleysi ah qaad/jaad ku soo gelin jireen magaalada, sida aan ka soo xiganay xubno ka tirsan maamulka degmada Yaaqshiid oo shilkaasi uu ka dhacay.

Weli ma-jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda federaalka oo ay uga hadlayaan is-rasaaseyntaas khasaaraha dhalisay ee ciidamada ka wada tirsan dowladda ku dhex martay gudaha magaalada Muqdisho.