Farmaajo oo kulan dhacay caawa mar kale ku celiyey rabitaankiisa ah doorasho qof iyo cod ah oo dhacda

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar kale ku celiyey muhiimadda doorasho qof iyo cod ah in la xaqiijiyo xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin in ay doortaan masuuliyiinta ay ku aaminayaan hoggaaminta dalka.

Farmaajo ayaa hadalkan sheegay isaga oo hoggaanka ururada Bulshada Rayidka kula kulmay magaalada Dhusamareeb, wuxuuna uga warbixiyey hannaanka geedi socodka siyaasadeed ee dalka, dadaallada xasilinta dowladnimada iyo sii-amba-qaadidda qorshaha Qaran ee qabsoomidda doorasho daah-furan, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Ururrada Bulshada Rayidka ah ku ammaanay sida ay ugu hanweyn yihiin in ay soo bandhigaan aragtidooda ku wajahan hannaanka doorashooyinka dalka.

“Madaxweynaha ayaa Ururrada Bulshada Rayidka ah ku ammaanay sida ay uga shaqeyn lahaayeen in la xaqiijiyo xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin in ay doortaan masuuliyiinta ay ku aaminayaan hoggaaminta dalka” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey hormuudka Ururrada Bulshada Rayidka ah dadaallada dowladda ee ku aaddan xaqiijinta xasilooni siyaasadeed, waxa uuna ku bogaadiyey sida ay ugu taagan yihiin muujinta aragtidooda ku aaddan dimuqraadiyadda iyo qabsoomidda doorasho hufan oo wakhtigeeda ku qabsoomta.”

Ugu dambeyntii qoraalkan ka soo baxay Villa Somalia waxaa lagu yiri, “Dhankooda, Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa la wadaagay Madaxweynaha rabitaankooda ku aaddan doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka hana qaadda, waxa ayna muujiyeen in ay qorshahaas ku garab taagan yihiin Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.”

Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ayaa ku wada sugan Dhuusamareeb waxaana lagu wadaa in halakaasi uu uga furmo maalmaha nasoo aaddan wajiga labaad ee shirka wadatashiga, oo diiradda lagu saarayo arrimaha ku geedaaman ka wadashaqeynta siyaasadda dalka oo ay ugu horeyso doorashada soo socota.