Xubno ay magacaabeen G/Wasiirada xilka sii haya oo sharci darro lagu tilmaamay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ururka Qareenada Soomaaliyeed ayaa sharci darro ku tilmaamay xubno ka mid noqon doona Golaha Adeega Garsoorka, kuwaas oo shalay ansixiyeen Golaha Wasiirada xilka sii hayaha ee xukuumadda.

War saxaafadeedka la baahiyay waxaa ku saxiixan xoghayaha qareenada Soomaaliyeed Abuukaate Daahir Carab, wuxuuna sheegay in golaha wasiirada ay kaliya soo jeedin karaan in saddex xubnood ay qeyb ka noqon karaan Golaha Adeega Garsoorka, halka labada kale ay xaq u leeyahiin ururka qareenada.

Sidoo kale Ururka waxey sheegeen in xubnaha shanta ah ee ay ansixiyeen Golaha Wasiirada xilka sii haya aysan buuxin karin shuruudaha qodobka 8-aad ee sharciga dhisidda golaha adeegga garsoorka.

Ururka Qareenada Soomaaliyeed waxey ka dhawaajiyeen iney qaadi doonaan tallaabada ku haboon oo ay kaga hortagayaan in sharciga lagu tunto.

Halkaan Ka Akhriso Warsaxaafadeedka Ururka Qareenada Soomaaliyeed:

Shalay oo ku beegneed 30/7/2020, waxaa la sheegay in Xukumadda xilka siihaysa ay magacaawday 5 Xubnood oo ka mid noqon doona Xubnaha Golaha adeegga garsoorka’ magacaabistaas waxay baalmarsantahay Dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka sababaha soo socda awgood:

1- ugu horrayntii golaha wasiirradu waxay soo jeedi karaa 3 Xubnood oo ka mid noqonaaya golaha adeegga garsoorka’ labada kale waxaa soo magacaabaaya ururka qareennada Soomaaliyeed fiiri farqadda labaad ee qoddobka Qodobka 109A ee Dastuurka FKMG sidoo kale Xaraf E farqadda 1aad ee Qodobka6aad ee sharciga dhisidda golaha adeegga garsoorka sharci Le 28 soona baxay 8/7/2014’ waxay u qorantahay sidaan (Labo Qareen Sare oo xubin ka ah Ururka Qareennada soomaaliyeed uu soo magacaabay Golaha Qareenada soomaliyeed oo xilka haynayaa muddo afar Sano Ah ). waxaa cad oo aan shaki ku jirin in golaha wasiirradda ee Xilka siihaya ay magacaabeen xubno uusan dastuurku iyo sharcigu midna uusan siin magacabistooda.

2- Shanta Xubnood oo ay magacawday Xukuumadda Xilka siihaysa ma aha Xubno buuxiyay Shuruudaha Ku xusan qoddobka 8aad ee sharciga dhisidda golaha adeegga garsoorka.

3- Xukuumadda Xilka siihaysa shaqadeedu waa sii wadidda hawlihii horay Xukumaddu u bilawday inta aan lagala noqon kalsoonida’ Xukumad aan kalsoonida barlamaanka haysan ma magacaabi karto golayaal cusub mana keeni karto wax ka duwan hawlihii horay u socday sida laga fahmaayo micnaha qoddobka 103aad ee Dastuurka.