Senator Mashruuc: Waxaa la gaaray xilligii ay Puntland ka gudbi lahayd nidaamka doorasho ee sharci-darrada

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Maxamuud Axmed Maxamuud Mashruuc, oo ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in la joogo xilligi ay Puntland ka gudbi lahayd “nidaamka doorashada sharci-darrada ah ee ay wax ku dooraneysay 22-ka sano ee tegay.”

Puntland ayaa tan iyo markii la dhisay 1-dii August 1998-kii waxaa xubnaha golaha wakiilada soo xulayey odayaasha dhaqanka ee beelaha, waxaana kadib madaxweynaha maamulka dooranayey xildhibaanada.

Nidaamkan ayaa shacabka duudsiiyey xuquuq ay ku dooran lahaayeen qofka ay doonayaan, wuxuuna sidoo kale horseeday in beelo badan ay waayaan matalaad ay xaq u lahaayeen halka kuwa kalena ay ku heleen wax ka badan intii codka dadweynaha uu siin lahaa.

Senator Mashruuc, oo facebook soo dhigay qoraal uu reer Puntland ugu hambalyeynayo munaasabadda 1-da August, ayaa bogaadiyey in ugu dambeyn la qaaday tallaabo horseedi karta in shacabka ay codkooda dhiibtaan.

“22 sano kadib, waxa xusid iyo bogaadin mudan mudan in xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Mudane Saciid Cabdullahi Deni ay ku dhiiratay in Puntland u jiheysato bilowga hirgelinta nidaamka axsaabta kaa soo shacabka awood u siin doona ka talinta cidda ay masiirka hoggaankooda u dhiiban doonaan,” ayuu yiri Mashruuc.

Senator Mashruuc ayaa ugu baaqay xukuumadda inay u dhabar adeegto hirgelinta mashruuca hal cod iyo hal qof, si loo gaaro, buu yiri, hannaan dawladnimo oo shacabku kalaooni buuxda siin karaan.

“Shacabka gaar ahaan waxgaradka, siyaasiyiinta, dhalinyarada iyo ururrada siyaasadda ee is diiwaan geliyey waxaan ugu baaqayaa inay kala shaqeeyaan xukuumadda sidii Puntland uga gudbi laheyd doorashada sharci darrada ah ee aan dastuuriga aheyn, taasoo muddo 22 sano ah Baarlamaanka Puntland, goleyaasha deegaanka iyo madaxda kaleba lagu soo xulayey,” ayuu yiri.

Deegaanada Puntland ayaa ka mid ah kuwa ugu nabdoon dalka, waxaana muddo 22 sano ah ka jiray nidaam dowli ah oo shaqaaya, mana jiraan caqabado hor istaagi kara in laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah, si la mid ah Somaliland oo deris la ah, waxayna noqotay su’aal aan jawaab loo helin sababta iyo cidda diidan in xuquuqda codeynta la geliyo gacanta shacabka.