Xog: Madaxii warfaafinta xafiiska ra’iisul wasaaraha oo shaqada ka tegay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa sheegaya inuu is-casilay agaasimhihii warfaafinta iyo xiriirka bulshada ee xafiiska Calinuur Salaad.

Calinuur Salaad oo la aaminsan yahay inuu kamid ahaa mas’uuliyiinta ugu dhowaa ra’iisul wasaarihii xilka laga qaaday ee Xasan Cali Kheyre ayaa xilkan hayay muddadii labada sano ahayd ee la soo dhaafay.

Calinuur Salaad ayaa qoraal faahfaahsan oo is-casilaaddiisa ku lifaaqnaa ku sheegay in isbedel ku yimid aragtida xukuumadda dartiis uu shaqada ga tagay.

Is-casilaadda Calinuur ayaa imaneysa ayada oo ay jiraan warar sheegaya in maamulka cusub ee xafiiska ra’iisul wasaaraha uu cadaadi ku hayo shaqaalaha, taasi oo cabsi gelisay shaqaalehii la shaqeyn jiray Kheyre.

Waxaa hore xilka looga qaaday xoghayihii joogtada ahaa ee xafiiska ra’iisul wasaaraha Axmednuur Maxamed Cabdi, waxaana lagu bedellay Cabdirisaaq Xuseen Aadan oo ka tirsanaa xafiiska madaxweynaha.

Sida aan xogta ku helnay, waxaa la filayaa inay shaqada ka tagaan la taliyayaashii ku dhowaa ra’iisul wasaarihii hore, kadib markii shaqada laga ceyriyay xoghoyihii joogtada ee xafiiska.

Dhinaca kale, wararka ayaa sheegaya in madaxtooyada Soomaaliya ay qorsheyneyso in xafiiska warfaafinta ra’iisul wasaaraha lagu biiriyo kan madaxtooyada, si looga hortago in ra’iisul wasaaraha cusub uu yeesho xiriir bulsho oo toos ah.