50 xildhibaan oo maanta ku dhawaaqay nooc doorasho oo ay ka shaqeynayaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo xalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan sidii ay u dhici laheyd doorasho qof iyo cod ah.

Xildhibaanadan oo tiradoodu ay gaareyso illaa 50 mudane ayaa sheegay inay u istaageen sidii loo bad-baadin lahaa dalka oo haatan ku jira xaalad aad u cakiran.

Sidoo kale xubnahan oo ay ku jiraan qaar ka mid ah golaha wasiirada ee kalsoonida lagala noqday ayaa war ay soo saareen ku sheegay inay ka shaqeyn doonaan Midnimada Baarlamaanka Soomaaliya iyo sidii loo dhameyn lahaa khilaafka siyaasadeed ee jira.

Xildhibaan Maxamuud Axmed Ciise (Run-sheeg) oo akhriyay warsaxaafadeed ay soo saareen ayaa sheegay inay u istaageen sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in la garab istaago dowladda dhexe.

Dhinaca kale warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in xildhibaanaadaan ay qeyb ka yihiin qorshaha ay wado Villa Soomaaliya ee muddo kororsiga, tallaabadaas oo ay si weyn uga soo horjeedaan xisbiyada mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamullada dalka.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah  mid cakiran, waxaana arrintu ay ka sii dartay markii la riday ras’iisul wasaarihii hore ee dalka, Mudane Xasan Cali Khayre.