Xog: Dhacdadii xilka looga qaaday Cabdirisaaq Caato oo la sheegay in uu amray Mahdi Maxamed Guuleed

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in amarka ahaa in baabuurta aan xabadda karin dib loo soo celiyo uu bixiyey sii-hayaha ra’iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Doodda ku saabsan in shaqaalaha xafiiska, gaar ahaan kuwii ku dhowaa ra’iisul wasaare Kheyre, laga soo celiyo baabuurta ayaa keentay in xilka laga qaado xoghayihii joogtada ahaa ee xafiiska ra’iisul wasaaraha Cabdirisaaq Xuseen Aadan Caato.

Cabdirisaaq Caato ayaa waxaa xilka ka qaaday Mahdi Guuleed, kadib markii la sheegay inuu ciidan ku dalbaday Yaxle Cali Hareeri, si uu uga qaado baabuur xabadda aysan karin oo dowladdu leedahay, hase yeeshee xubno ka tirsan xafiiska ayaa sheegay in Cabdirisaaq uu ahaa nin ku shaqeynayey amar ka sarreeya.

“Cabdirisaaq Caato, waxaa amray Mahdi Guuleed, markii arrintu dood dhalisayna asagaa ayuu eedda dusha u saaray, waa nasiib darro,” ayuu yiri qof ka mid ah xafiiska ra’iisul wasaaraha, kuna dhow Caato.

“Cabdirsaaq kama suurtoobaan ficillo qalafsan. Waa shaqsi aad u afgaaban aqoon sare leh, shaqo yaqaan ah, haddana si xushmad leh ula macaamila dadka ay shaqo wadaagta yihiin, isagoo ammaan badan ku kasbaday howlihii uu ka qabtay madaxtooyada, oo uu ka ahaa agaasime ku xigeen,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, shakhsiyaad ku dhow Cabdirisaaq Caato ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in amarka markii hore ka yimid Mahdi Guuleed uu ahaa qorshe iyo shirqool abaabulan oo ay ka dambeeyeen mas’uuliyiin iyo xildhibaano doonayey in xilka laga qaado Caato, kuwaas ooh adda ku guuleystay sidaas.