DF Soomaaliya oo ‘hawada ka celisay’ diyaarad ka timid Kenya, kuna socotay P/land

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Sida ay warisay warbahinta maxaliga ah ee dalka Kenya waxaa todobaadkan hawada Puntland ay dowladda Soomaaliya ka celisay diyaad sidday Qaadka nooca loo yaqaano Miirooga, taas oo ka soo duushay Nairobi, kuna soo jeeday gudaha magaalada Gaalkacyo, qeybta waqooyi oo ay maamushu Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in maamulka hawada Soomaaliya uu ku amray diyaaraddaasi inta aysan dagin, ka hor inay dib ugu laabato halkii ay ka soo duushay oo ah Kenya.

Sidoo kale urur ay ku mideysan yihiin ganacsatada Qaadka Kenya oo ka hadlay tallaabadaasi ayaa sheegay in celinta diyaaraddan ay u gaysatay dhaawac dhaqaale.

Guddoomiyaha ururkan ayaa xusay in diyaaradda sidday xamuulka ee dib loo celiyey ay raacday qawaaniinta iyo qaab dhismeedka sharciyeynta, islamarkaana markii hore loo oggolaaday in ay geli karto hawada Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan arrinta diyaaraddaas iyo cabashada ka soo yeereysa ganacsatada Qaadka ee dalka Kenya

Bishii hore ayey aheyd markii hawada Soomaaliya laga celisay diyaarad Qaad sidday oo laga leeyahay dalka Kenya.

Si kastaba ha’ahaatee horey ganacsatada Qaadka Kenya aya sheegay inay lumiyeen illaa $ 80,000 kadib markii ay khasaare xoogan ay kala kulmeen xayiraadaha ay soo rogeen dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ee ku aadan xakameynta cudurka faafa ee COVID-19.