Taliye ku-xigeenkii hore ee NISA oo saadaaliyey arrimo dhowaan dalka ka dhici kara

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku-xigeenkii hore ee NISA Ismaaciil Daahir Cusmaan ayaa qoraal uu soo dhigay facebook uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha laga yaabo inay dhacaan toddobaadyada iyo bilaha soo socda.

Hoos ka aqriso qoraalka

Marka aan qiimeeyay sida ku tala galka ah ee uu Farmaajo dastuurka ugu tumanayo iyo farriimaha ay dirayaan madaxda dowlad goboleedyada kuwa xisbiyada, waxaa muuqata in dalka uu ku socdo waddo gudcar ah oo aan la arki karin waxa soo socda.

Dalka waxaa loo balansan yahay in ay doorasho dhacdo, Farmaajo wuxuu weli ku adkeysanayaa in shacabka soo doorto wakhtina la siiyo uu ku gaaro hadafkiisa, halka maamul goboleedyada iyo xisbiyada ay sheegayaan in doorasho toos an aanay suurto gal ahayn loona baahan yahay in laga tashado qaabka doorasho lana muddeeyo in doorashada ay ku dhacdo wakhtigeeda.

Baarlamaanka wuxuu ansixiyay afar xeer oo aan waafaqsaneyn dastuurka, wuxuuna wax ka bedelay sharcigii doorasho ee uu saxiixay madaxweynaha, waxayna guddoonka baarlabmaanka ku adkeysanayaan in baarlamaan lagu soo doortay qof iyo cod ay bedeli karaan oo kaliya, inta taa laga gaarayana ay sameysan doonaan muddo kororsi.

Ra’iisul Wasaaraha ku meel gaarka ah iyo Golaha Wasiirada aan haysan kalsoonida baarlamaanka ayaa sifo ka baxsan sharciga ku ansixiyay Guddiga Adeegga Garsoorka, Hay’adda Batroolka, Hay’adda Faya Dhowrka, kuwaasoo dhammaan aan loo marin sifo sharci ah.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni wuxuu xalay sheegay in ansixinta guddiyadaas ay tahay sharci darro, wuxuuna Madaxweyne Farmaajo uga digay in uu joojiyo ku tumashada dastuurka.

Qoor Qoor wuxuu olole ugu jiraa in uu dib u dhigo shirka Dhuusomaareeb 3, waxayna qeyb ka tahay shuruudaha lagu xiray in PM loo magacaabo shaqsi ay isku beel yihiin, wuxuuna kala kulmayaa diidmo qayaxan oo dhanka dowlad goboleedyada iyo x Xisbiyada Siyaasadeed.

Sida ay ila tahay oo laga yaabo in ay dhacdo bilaha soo socda:

Ma dhici doonto doorasho sanadka 2020 oo lagu soo xulo Xildhibaano bedela kuwa hadda jooga, mana dhici doonto doorasho Febraayo 2021.

Waxaa la magacaabi doonaa PM macmal ah oo aanan ku iman rabitaanka dowlad goboleedyada, Xisibiyada iyo Madaxweynaha.

Marka la shaaciyo in shirkii Dhuusomareeb 3 toddobaad dib loo dhigay waxaa billaaban doono cadaadis dhanka Beesha Caalamka ah, waxaana dhici doonta in Farmaajo xilka dhulka iska dhigo si qasab ah.