Taliyihii ITOOBIYAANKA oo laga beddelay hoggaanka ciidanka Amisom + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgalka Amisom ayaa loo magacaabay taliye cusub oo ah Jeneral Diomede Ndegeya oo u dhashay dalka Burundi, kaasi oo Axaddii soo gaaray magaalada Muqdisho.

Diomede Ndegeya ayaa waxa uu beddelay oo uu xilka kala wareegay General Tigabu Yilma oo u dhashay dalka Itoobiya, kaasi oo muddo xileedkiisa uu dhammaaday kadib markii uu hayey hoggaanka taliska ciidamada Amisom, tan iyo bishii Janaayo 2019.

“Waxaan u imid inaan caawiyo Afrika, inaan caawiyo Soomaaliya, inaan caawiyo walaalaheen. Dhowr jeer oo horey ayaan halkan imid, laga soo billaabo 2007 illaa 2012,” ayuu yiri Jeneral Diomede Ndegeya oo hadlay kadib markii uu kasoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Ndegeya oo 57 jir ah, ayaa horey uga shaqeeyey Soomaaliya intii u dhaxeysay 2007 illaa 2009 isaga oo xubin ka ahaa ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka Soomaaliya.

Ka hor inta aan loo magacaabin taliyaha cusub ee Amisom, Jeneral Diomede Ndegeya waxa uu la-taliye u ahaa Wasaaradda Gaashaandhigga Burundi, isaga oo qaabilsanaa dhanka arrimaha siyaasadda iyo diblomaasiyadda.

Waxa uu shahaadada Master-ka ku haystaa Farsamada Sayniska, wuxuuna tababaro istaraatiijiyadda dhanka ciidanka ah kusoo qaatay dalal ay ka mid yihiin Ruushka, Shiinaha iyo Faransiiska.