Xogta kiiska badda Somalia iyo xaqiiqada ku gadaaman ‘gadashadeed’ ee Kenya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kiiska Badda Soomaaliya ee ay sheeganeyso Kenya ayaa 11-sanno jirsaday, kaasi oo la rumeysan yahay inuu ka dhashay heshiis is-afgarad oo dowladdii kumeel gaadhka aheyd iyo Kenya ay wada galeen April 7, 2009-kii.

Caasimada Online oo baaris qoto dheer ku sameysay arrinta Badda ayaa waxay warbixinteedan ku iftiimin doonta xaqiiqada ku gadaaman sheegashada ah ‘in badda Soomaaliya laga gaday Kenya’ iyo weliba halka uu salka ku hayo, xili uu Kiiskaasi ku jiro maxkamadda cadaaladda caalamiga ah ee ICJ.

April 7, 2009 ayaa heshiis is-afgarad dhex-maray Soomaaliya iyo Kenya oo ku saabsanaa fidinta xadka badda Soomaaliya, gaar ahaan inta ka shisheysa 200 ee maylka badda ee dhul biyoodka.

Kaasi oo looga gol lahaa in lagu calameeyo inta ka baxsan 200-maylka badda ee Soomaaliya iyo Kenya ee waxa loo yaqaan “continental shelf”, loona gudbiyo Qaramada Midoobay.

Waxaana dhinaca dowladda Soomaaliya u saxiixay heshiiskaasi Cabdiraxman Cabdishakur, oo xilligaasi ahaa wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah.

Halka uu dhanka Kenya u saxiixay Moses Wetangula, oo isaguna markaasi ahaa wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya.

Baarlamaanka Soomaaliya ee xiligaasi ayaa August 1, 2009 dood dheer kadib aqlabiyad ballaaran ugu codeeyay in la laalo heshiiska is-afgaradka ahaa ee dhex-maray Soomaaliya iyo Kenya.

Go’aankaasi baarlamaanka ayaa waxa ka indho saabtay madaxweynihii KMG Sheikh Shariif, kaasi oo lix cisho kadib laalistaasi sheegay in is-afgaradka dhex-maray Kenya uusan aheyn heshiis, maadama uu baarlamaanku xaq u leeyahay inuu buriyo heshiisyada dowladda.

Heshiiska Dowladdii KMG iyo Kenya ee xiligaasi ayaa dhigaya in labada dal ay ilaaliyaan oo u horumariyaan danaha ka dhexeeya ee ku saabsan samaynta xadeynta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo mayl badeed.

Muranka ka dhashay heshiiskaasi is-afgarad ayaa horseed u noqday in Kenya ay leexiso cabirka badweynta Hindiya ee labada dhinac, taasi oo keentay inay kusoo xad-gudubto qeybo kamid ah badda Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xiligii uu talada dalka hayey u gudbiyey maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) dacwadda muranka xadka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Kadib markii uu maxkamadda galay Kiiska Badda Soomaaliya ayaa waxa uu yeeshay wajiyo dhowr ah, iyada oo dadaalo badan ay dowladda Kenya ku bixisay sidii wada-hadal looga gali lahaa arrintaasi, halka Soomaaliya ay ku doodeyso in heshiiskaasi uusan sharci ahayn maadaamma uu diiday baarlamaankii Soomaaliya ee xilligaas.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Dowladda Kenya ayaa si cad u hareer martay heshiiskii is-afgarad ee ay kala saxiixdeen dowladdii KMG aheyd, oo dhigayey in cabirka wixii ka durugsan 200 mayl badeed loo raacayo qaanuunka caalamiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna rabta in cabbirka xadka badda si toos ah loola dharariyo xadka dhulka, halka dowladda Kenya ay dooneyso in la weeciyo, kaasi oo si cad ugu soo gudbaya xadkeena.

Kiiska Badda ayaa xiligan ku jira maxkamadda ICG, iyada oo aan si rasmi ah go’aan looga gaarin qaabka loo cabirayo xadka badda oo uu ka taagan yahay muranka u weyn ee labada dal.

Muranka Badda ayaa ku qotoma qaabka loo cabirayo xadka badweynta Hindiya ee labada dhinac, taasi oo meesha ka saareysa in dowladda Kenya si kam ah looga gaday qeybo kamid ah baddeena.