Somaliland oo shaacisay inay la yaabtay go’aankii lagu riday Xasali Cali KHAYRE

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda maamulka Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka hadashay go’aankii Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee lagu riday xukuumaddii ra’iisul wasaare Mudane Xasan Cali Khayre.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, Liibaan Yuusuf Gaaxnuug oo u warramay warbaahinta ayaa ka hadlay arrintaasi, wuxuuna sheegay in go’aanka baarlamaanka Soomaaliya uu ahaa mid ay ka muuqato mas’uuliyad darro aad u weyn.

Gaaxnuug ayaa sidoo kale tilmaamay in Somaliland ay la yaabtay sida fudud ee lagu riday xukuumaddii Khayre, taas oo uu xusay inay ka yaabisay adduunka oo dhan.

“Dowlad wax aan ka badneyd rubi-saac gudaheeda lagu ridday waa arrin aduunka oo dhan la yaabay, waa arrin ay ka muuqato iyadda dhexdooda aaney is-aamini karin, Beesha Caalamka ee la shaqeyneysay aaney aamni karin, innagana dowladii wadahadalada nala wadday in ay 30 daqiiqadood ku dhacdo waxay muujineysaa sidda ay Unreliable u tahay xukuumadda Muqdisho ka dhisan, waana nasiib darro.” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda maamulka Somaliland.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in Somaliland aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin is-bedalkaasi, islamarkaana uu Soomaaliya kala dhexeeyo kaliya wada-hadal.

“Marka Somaliland iyo Soomaaliya waxay wadaagaan ma jirto oo aan wadahadaladdaas ahayn,” ayuu tibaaxay. “Ma jirto sabab aan mowqif uga yeelanayo waxyaabaha ka dhacaya wadamada jaarka ah.” Liibaan Yuusuf Gaaxnuug.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo todobaadkii hore si lama filaan ah xil-kii looga qaaday ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali, kaas oo sababay in dalku uu galo xiisad kale oo siyaasadeed, xilli haatan lagu jiro marxad kala guur ah.