Xog: Beesha Hawiye oo ay suurta-gal tahay inaan loo magacaabin raiisul wasaare

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka gudbay 30-kii maalmood ee la filayey inuu gudahood kusoo magacaabo ra’iisul wasaare cusub kadib markii Xasan Cali Kheyre xilka laga qaaday 25-kii July.

Warar badan oo kala duwan ayaa kasoo baxay cidda loo magacaabayo ra’iisul wasaaraha ayada oo marba magac cusub uu kusoo biirayey liiska dadka la hadal hayo. Magacyada la hadal hayo ayaa gebigood ah shakhsiyaad badan oo kasoo jeeda beesha Hawiye.

Si kastaba, Caasimada Online ayaa ogaatay in dadka looga fakarayo xilkan aysan ku koobneyn oo kaliya Hawiye, islamarkaana mid ka mid ah waxyaabaha uu madaxweynaha aadka uga fakarayo ay ku jirto in muddo xileedka kooban ee ka harsan waqtiga dowladda uu xilka dhameysto sii-hayaha ra’iisul wasaaraha cusub.

Weli ma cadda sida uu sharciga qabo iyo in haddii Mahdi Maxamed Guuleed uu xilka ku dhameysan karo sii-haye ahaan iyo inay qasab tahay in madaxweynaha magacaabis sameeyo.

hase yeeshee, mid ka mid ah doodaha Villa Somalia ayaa waxaa ka mid ah in waqtiga harsan oo aad u yar, laguna jiro xilli kala guur ah, ay adkaan doonto in haddii ra’iisul wasaare cusub la magacaabo uu wax badan qabto, maadaama uu waqti badan u baahan yahay.

Waxaa sidoo kale jirta cabsi ay qabto Villa Somalia oo ku aadan in ra’iisul wasaaraha cusub la loolami karo madaxweynaha kana horiman karo siyaasad ahaan si la mid ah Xasan Cali Kheyre. Kaaga sii daran’e, ra’iisul wasaare cusub kama baqayo xil ka qaadis, maadaama lixda bilood ee ugu horreysa aan laga keeni karin mooshin.

Si kastaba, xildhibaanada Hawiye qaarkood ayaa ku gacan seeray dooddan, waxayna qabaan in tani ay tahay isku day uu madaxweynaha beesha Hawiye uga qaadayo xuquuqda matalaad ee ay ku lahayd dowladda federaalka, kadib markii meesha laga saaray Kheyre, sidoo kalena la wiiqay awooddii wasiiradii Hawiye ugu saameynta badnaa.

Warar aan ka helnay Villa Somalia ayaa sheegaya in arrinta ku saabsan in xilkan uu sii hayo Mahdi Guuleed ay tahay mid xooggan, balse ay jiraan caqabado badan oo madaxweynaha u diidi kara inuu sidaas sameeyo, taasi oo ah mid ka mid ah sababaha weli aan ra’iisul wasaare loo magacaabin.

Waxaa caqabadahaas ka mid ah cabsida laga qabo sida xildhibaanada Hawiye iyo xisbiyada mucaaradka oo badankood ay ku xooggan yihiin Hawiyaha ay uga falcelin karaan iyo waxa ka dhalan kara diidmadooda.