Wararkii ugu dambeeyey shirka Axmed Madoobe iyo Deni iyo arrin ay ogolaadeen

Garowe (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ay shirkooda Garoowe ku ogolaadeen in todobaadka soo socda ay yimaadaan magaalada Muqdisho, si halkaas uu uga furmo shir kale oo ay isugu imaanayaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayuu hadda shir uga socda magaalada Garowe, halkaas oo ay isugu tageen markii uu Dhusamareeb ku soo gaba-gaboobey shirkii madaxda federaalka iyo dowlad goboleedyada qaar ee Dhuusamareeb-3, kaas oo aysan ka qeyb gelin Deni iyo Axmed Madoobe.

Shirka labadan madaxweyne uga socda Garowe ayaa lagu wadaa inay ka soo saaraan war-murtiyeed ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya inuu jiray dalab Madaxweyne Farmaajo ka yimid oo ahaa inuu Garowe ugu yimaado madaxda Puntland iyo Jubbaland, balse taas bedelkeed ay u sheegeen in iyagu Muqdisho ugu tegayaan.

Xubnaha beesha caalamka ayaa gadaal ka riixaya shir kale oo ay isugu yimaadaan madaxda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, si meesha looga saaro madmadowga qorshaha arrimaha doorashooyinka dalka ee 2020/2021-ka.