Wasiir DUCAALE oo been abuur ku qeexay arrin laga faafiyey kiiskii CC Shakuur

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa ka hadlay weerarkii saddex sanno ka hor ay ciidamada dowladdu ku qaadeen hoyga hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

17-kii December ee sanadkii 2017-kii, ayaa ciidamo ka tirsan dowladda weerar ku qaadeen hoyga uu Muqdisho ka dagan yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kaasi oo xiligaasi uu ku sugnaa isaga iyo xildhibaano iyo siyaasiyiin kale.

Wasiir Ducaale ayaa waxba kama jiraan ama ‘been abuur’ ku tilmaamay in weli aysan cadaalad helin dadkii lagu dilay weerarkaasi oo uu sanad ka hor sheegay Cabdishakuur, xili uu xus u sameynayay.

Cabdiraxmaan ayaa xiligaasi sheegay inay xuska dhalinyaradaas sanad walba u dhigaan ‘in aan la iloobin iyaga oo aan wali cadaalad helin’, isagoona xusay in kuwii dilay ay wali dalka xukumayaan, isla markaana hal mar aysan muujin garowshiyo.

Wasiirka ayaa isaguna sheegay in dhalinyaradii ku naf weyday weerarkaasi ay heleen cadaalad, iyada oo la bixiyey magtoodii, isla markaana ay dowladduna kala xaajootay qoysaskoodii.

Wuxuuna sheegashada Cabdishakuur ku tilmaamay ‘macaash siyaasadeed’ oo aan sal iyo raad midna laheyn, maadama ay dowladdu siisay ‘duugtii iyo diyadiiba’ qoysaskii dhalinyaradaasi, sida uu sheegay.

“Cabdiraxmaan Cabdishakuur arrintaasi waxa uu ka dhex arkay arrimo siyaasi ah, wuuna ogyahay in arrintaasi loo xaliyay qaab garsoor, dhaqan iyo mid Diini ahba,” ayuu yiri Wasiir Ducaale.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa isagu sanad walba bisha December 17-keeda u sameeya xus dhalinyaradii ilaalada u aheyd, oo uu sheegay inaysan cadaalada helin, halka dowladda taasi badalkeeda ku doodeyso.