Sidee Ibraahim Maxamuud (Gama’diid) u abaabulay weerarkii Xabsiga Dhexe?

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerarkii gudaha xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho laga fuliyay 10-kii bishan August ayaa waxa kasoo baxaya xogo dheeriya, sida uu baahiyay barnaamijka Galka Baarista ee idaacada VOA-da.

Baaritaan uu sameeyay Galka Baarista ayaa waxa lagu ogaaday in Ibraahim Maxamuud Maxamed “Gama’diid” oo ahaa maxbuus ku xiran xabsiga dhexe uu qorsheeyay weerarkaasi oo ay ku naf waayeen 19 qof, halka ay ku dhaawacmeen 7-qof oo kale. 

Ibraahim Gama’diid ayaa waxa lasoo xiray 7-dii bisha May 2018-ka, isaga oo ugu dambeyntiina lagu xukumay xabsi sanado badan ah, kadib markii lagu helay inuu qorsheynayey weerar ka dhaca xabsiga dhexe.

Gama’diid ayaa muddo qorsheynayay weerarkii loo soo xiray, isaga oo gacan ka helaya shaqsi gudaha xabsiga kaga dhex ganacsada, kaasi oo Maxaabiista u keeni jirey Hilibka iyo Khudaarta.

Wuxuna ku guuleystay 10-kii bishan ee 2020 inuu weerarkii loo soo xiray sanado ka hor uu ka fuliyo gudaha xabsiga dhexe, isaga oo gacan ka helaya maxaabiis kale oo argagixiso-nimo loo soo xiray.

Qorshaha weerarkaasi ayaa si dhab ah u hirgelay 8-dii bishan inta la ogyahay, iyada oo hub iyo bambaanooyin lagu dhex qariyay Hilib iyo Jawaan Liin ah, gudaha loo geliyay xabsiga.

Sidoo kale waxa subaxdii hore ee 10-kii bishan oo aheyd maalinkii uu gelinkeeda dambe uu weerarkaasi fulayey gudaha xabsiga lagu daabulay rasaas dheeri ah, oo qeyb ka aheyd qorshaha uu maleegayay Gama’diid.