Madaxweyne Farmaajo oo maanta saxiixay sharci uu muran badan ka taagnaa

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu dambeyntii saxiixay wax ka badalka sharciga Saxaafadda Soomaaliya  oo mudda badan u xayirnaa saxiixiisa kadib markii ay Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ansixiyeen 8-da Luulyo 2019 iyo 14 Janaayo 2020

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo hadal ka jeediyey xaflad lagu dhaqan gelinayey sharcigaan ayaa sheegay in arrintaan ay tahay mid taariikhi ah oo muhiim u ah Saxaafadda Soomaaliya haddii ay ahaan laheyd kuwa Dowladda iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay inuu u hambalyeenayo saxaafadda Soomaaliya maadaama uu sheegay inay maanta leeyihiin sharci qaran oo ilaalin doona.

Sharciga maanta dhaqan galay ee saxaafadda ayaa waxaa in badan muran ka keenay Saxaafadda iyagoo si gaar ah walaac uga muujiyey qodobadaan soo socdo:

(1) – Kaalinta wasaaradda warfaafinta ee soojeedinta, 9-ka xubin oo ay 3 ku lahaadaan, xulista iyo xataa shaqo siinta ama ceyrinta guddiga saxaafadda.

(2) – Maxkamadda ku shaqada leh  iyo ciqaabta la marsiinayo saxafiga.

(3) – Rukhsad bixinta iyo arrimaha la xiriira.

(4) – Guud ahaan saameynta xeerka ee saxaafadda.

Saxaafiyiinta Soomaaliyeed ayaa kulamo la qaatay baarlamaanka federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo xataa Farmaajaha  qudhiisa si loogu qanciyo in xeerkan uu caqabad ku yahay xuriyadda hadalka iyo saxaafadda, laakin dheg jalaq looma siin.