Wafdi ka socda DF oo gaaray Dhuusamareeb + Ujeedka

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Xamsa Siciid Xamsa iyo wafdi la socda ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa wafdiga Wasiir Xamsa kusoo dhaweeyay Wasiirka Gargaarka Galmudug Cabdiraxmaan Makaawe, Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan Maamulkaas, wuxuuna ka mahadceliyay Wasiirak soo dhaweyna loo sameeyay.

Ujeedka Wasiirka Gargaarka Dowladda ayaa waxaa uu yahay sidii uu dowlad Goboleedka Galmudug ugu wareejin lahaa agab muhiim u ah in lala socdo cimilada iyo tilmaamayaasheeda.

Wasiirka Gargaarka Dowlad Goboleedka Galmudug Cabdiraxmaan Makaawe ayaa ka mahad celiyay kaalmada Dowladda Federaalka uga timid ee loo qorsheeyay in lagu ogaado saadaasha cimilada ku saleysan.

Sii hayaha Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in wada shaqeynta ka dhaxeysa heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed uu wanaagsan yahay.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa wado olole Dowlad-Gobaleedyada loogu sameynayo xarumaha sii saadaaliya halisyada Musiiboooyinka, si hey’adaha ay awood ugu helaan in ay sii ogaadaan halisyada ku soo fool leh.