Xog: Farmaajo iyo Mursal oo ka heshiiyey daahitaanka magacaabista R/Wasaaraha

Muqdisho (Caasimadda Online)  – Soomaaliya ma lahan ra’isul wasaare muddo 35 maalmood, sidoo kalana ma jirto xukuumad rasmi ah iyadoo wadanka uu ku jiro marxalad kala guur ah.

Sida la xasuusto muddo todobaad ah ayuu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku magacaabay ra’isul wasaarahii ugu horreeyay kaas oo dhamaadkii bishii lasoo dhaafay ay kalsoonida kala noqdeen golaha Shacabka, waxaase hadda muuqata in madaxweynaha uu doonayo inuusan magacaabin badalkiisa ilaa xal laga gaarayo doorashada xigta.

Caasimada Online waxey ilo xog-ogaal ah ka ogaatay in madaxweyne Farmaajo uu kulan gaar ah la qaatay isbuucii lasoo dhaafa gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal uuna ku qanciyay inuu wakhti dheeraad ah helo si uu ra’isul wasaarahiisa labaad usoo magacaabo.

Sida la ogyahay gudoomiyaha golaha shacabka iyo ku xigeenkiisa waxey xulufo siyaasadeed la yahiin madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana la fahamsan yahay iney ka wada shaqeeyeen riditaankii xukuumadii xasan Cali kheyre.

Waxaan kala cadeyn in heshiiska labadaan shaqsi dhexmaray la horgeyn doono golaha shacabka iyo inuu yahay mid gaar ah oo ku aadan in madaxweynaha uu muddo kooban ku magacaabi doono ra’isul wasaare si loo helo xukuumad rasmi ah.

Madaxweynaha ayaa caadiyan looga baahan yahay inuu ra’iisul wasaaraha kusoo magacaabo 30 maalmood gudahood, hase yeeshee ma jiro qodob dastuuri ah ama xeer taas qasab ka dhigaya.