Muxuu yahay ballan qaadka madaxweyne Saciid Deni u sameeyay Aqalka Sare?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland oo ku sugan Muqdisho ayaa ballan qaad u sameeyay Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Somalia, isagoo muujiyay inuu ku taageerayo wax waxwalb oo uu sharci u leeyahay.

Kulank uu Khamiistii Deni la yeeshay xubnaha Aqalka Sare ayaa ayuu kala hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, wuxuuna soo jeediyay in wada hadal looga gudbi karo khilaafka iyo kala fakir duwanaanshaha hay’addaha dowladda.

“Waxaana balan qaadeyaa in aan Aqalkaan garab u noqono wax walba oo uu sharci u leeyahayna aan gacan ku siino, waan dareemi karaa in marka xaalada siyaasadeed ay cakiran tahay in xadgudubyo sharci ay dhacaan, laakiin waxaan marna suurtagal ahayn, sharci siyaasiya looga heshiiyey, in dib looga noqdo, taasi waa adag tahay; kaasi wuxuu dhaacayaa wixii lasoo qabtay. Umaddi waxay kuwada joogtaa waa heshiis bulsho oo uu aas-aas u yahay dastuurka inta hadda noo taala,” ayuu carabka ku adkeeyay madaxweyne Deni.

Wuxuu sheegay in maadaama Puntland 22-sano jirsaday in ay xil gaar ah iska saareyso ilaalinta sharciga wakiilna uga tahay cid kasta oo aan firaaqo u ahayn ilaalinta heshiisyadda.

“Waa shaqo dheeri ah oo aysan gaar u lahayn, laakiin ay mudan tahay mar-xaladaan in ay qaado, maadaama state-yada kale ay inaga dambeeyeen culeyso badan ay haystaan oo dhinacii maamulka dhisidiisa ah, amnigii ka shaqeyntiisa ah. Marka hadii marar badan la arko Puntland oo intaas qodob dastuuri ah haysata ama ku andacooneysa ma ahan dastuurka iyo sharciga ay dadka ka xigto laakiin firaaqo iyo waqti baan u haynaa ugana fekerno ugana hadalno marka taas waxay noqoneysaa in aan wakiil uga nahay cid kasta oo Soomaaliyeed oo sharcigaas heshiis ka gashay oo aan markaas oo aan ka haansho u haynin,” ayuu yiri.

Wuxuu Aqalka Sare ku bogaadiyey shaqada uu qabtay mudada kooban ee uu jiray, kana rajeeyay in ay sii laba jibaaraan, Puntland ayuu cod dheer ku qeexay in ay “waddo sax ah marin doonto wax kasta oo ay ka tabaneyso”.

“Baarlamaanka waa xeer-dejin, laakiin haddana waa Hay’ad siyaasi ah oo la rabo in ay door ka qaadato maraaxisha siyaasiga ah ee dalka marayo,” ayuu xusay, isagoo kalsooni ka muujiyey in golaha qeyb ka noqdo xal u helida arrimaha siyaasadeed ee ku geedaaman doorashooyinka 2020-21.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa safarkiisa Muqdisho ee shirka madaxda dowladda kaga faa’iideysanaya arrimo masiiri ah, isagoo kulamo siyaasadeed ka wada caasimadda.