Jubaland oo faah-faahin ka bixisay shuruuda ay ku xirtay wada-hadallada Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha warfaafinta maamulka Jubbaland Maxamed Axmed Sebriye Bassaam ayaa soo saaray qoraal uu ku sharaxayo caqabadaha ku hor gudban shirkii Muqdisho uga furmi lahaa madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland iyo Madaxweyne Farmaajo.

Agaasimaha ayaa qoraalkiisa ku sheegay in uusan sax aheyn su’aasha ay dad badani qabaan ee ah “Doorashaaba laga garramayee Gedo maxaa keenay?”

Waxa uu sheegay in Jubbaland ay ka koobantahay seddax gobol, kuwaas oo ka talinta masiirkooda ay dusha ka saarantahay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

“Su’aasha ah maxaa waqtigaan gobolka Gedo miiska loo soo saaray? Waxay daba socotaa heshiiskii Dhuusamareeb-2 ee gogol xaarka u ahaa in doorasho loo dhanyahay ay dalka ka qabsoonto” ayu qoraalkiisa ku yiri Agaasimaha warfaafinta Jubbaland.

Sidoo kale waxa uu sheegay intii loo fadhiyey shirkii Dhuusamareeb-2 inay madaxda dowladda federaalka iyo Jubbaland ku heshiiyeen inta aan la gaarin waqtiga Dhuusamareeb-3 in xal laga gaaro arrinta gobolka Gedo, “ciidamada dowladda federaalkana laga saaro, si looga heshiiyo nooca doorasho ee dalka ka dhici karta.”

“Heshiiskaas waxa uu ka fuli waayey dhanka dowladda federaalka oo aan wax tallaabo ah qaadin, iyadoo taas bedelkeedana maalin kasta carqalad iyo amni darro gobolka kasii wada” ayuu qoraalkiisa ku sii daray.

Waxa uu sheegay in madaxweyne Axmed Madoobe uusan miiska u fadhin Jubaland Gedo ka maqantahay, ee uu u fadhiyo Jubbaland guud.

“Heshiis doorasho ee uu la geli karo dowladda federaalka waxa uu imaan karaa markii gobolka Gedo gacanta Jubbaland lagu soo celiyo, isla markaana nooca farsamo, amni, iyo goobaha doorashadu ka dhaceyso ee gobolkaas ay Jubbaland mas’uuliyadeeda yeelato” ayuu qoraalkiisa ku soo gaba-gabeeyay Agaasimaha warfaafinta Jubbaland Maxamed Axmed Sebriye.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo habeenkii seddaxaad Muqdisho ku hoyanaya ayaa weli diidan in uu furmo shirkii ay la yeelan lahaayeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, iyagoo soo bandhigay dhowr shuruudood oo ay furitaanka shirka ku xireen.

Xubnaha beesha caalamka oo markii horaba ka shaqeeyey imaanshaha Muqdisho ee madaxweynayaashan ayaa ku dadaalaya sidii ay madaxdan ay ugu qanci lahaayeen inuu furmo shirka ay la yeelanayaan madaxweynaha, si loo jaan gooyo nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa dabayaaqada sanadkan.

Hoos ka aqriso qoraalkiisa oo dhameystiran

????????? ???? ??????????? ???? ????? ???????

????????? waxay ka koobantahay saddex gobol oo kala ah ????, Jubbada dhexe iyo Jubbada hoose, waxaana madaxweyne ka ah ????? ??????? ?????? asaga ayaana miis kasta oo masiirkeeda lagaga arrinsanayo u fadhiya, asaga oo ka wakiil ah guud ahaan dadka iyo deegaanada ?????????.

Su’aasha ah maxaa waqtigan gobolka ???? miiska loo soo saarey? waxay daba socotaa heshiiskii Dhuusamareeb2 ee gogol xaarka u ahaa in Doorasho loo dhanyahay dalka ka qabsoonto.

Shirkii Dhuusamareeb2 waxay Madadxda DFS iyo ????????? ku heshiiyeen inta aan shirka Dhuusamareeb3 la isugu imaanin in xal rasmi ah laga gaaro arrinta gobolka ????, ciidamadana laga saaro si looga heshiiyo nooca doorasho ee dalka kadhici karta.

Heshiiskaasi wuxuu ka fuli waayey xaga DFS oo aan wax tallaabo ah qaadin, taas badalkeedana maalinkasta carqalad iyo ami darro gobolka kasii wadda.

Sidaa darteed Madaxweynaha ????????? miiska wada hadalka kuma fadhiyo Jubbaland ???? ka maqantahaye wuxuu ku fadhiyaa Jubbalandta guud, heshiiska Doorasho ee uu la gali karo DFS wuxuu imaan karaa kadib marka gobolka ???? gacanta ????????? lagu soo celiyo isla markaasna nooca farsamo, amni iyo goobaha Doorashadu ka dhici karto gobolkaasna ????????? masuuliyadeeda yeelato.

Magacana wado maamulkana daa meel ma wada gashee meel isugu bayra/baydha.

??????? ????? ???????